Farac ka mid ah Jaamacda Bariga Afrika oo laga furay magaalada Buuhoodle [ Sawiro+ Video]

October 6, 2012 - Written by

Buuhoodle:Wafdi culimo ah oo uu hogaaminayo Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed ayaa waxaa ay ka qayb galeen Xaflada furtaan oo loo sameeyeyi farac ka mid ah Jaamacada bariga Afrika oo laga furay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.Munaasabadaas lugufurayay faraca jaamacada bariga africa ay ku yeelanayso Magaalada Buuhoodle ayaa waxa ka qayb galay culimo fara badan aqoonyahano waxgarad ka kala socday jaamacadaha ku yaal Garoowe , Laascaanood Boosaaso, Gaalkacyo”iyo masuuliyiinta wax barashada Gobolka Cayn waxa ayna sheegeen in ay soo dhawaynayaan jaamacadan lagafuray Magaalada Buuuhhodle.

Sidoo kale wafti uu hogaaminayo Sh.cabdinaasir X,Axmed oo ka yimid magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa waxa ay ka qayb galeen munaasabadaas Lagu furayay faraca jaamacada bariga afrika ay ku yeelanayso magaalada buuhoodle,Sheekha ayaa halkaas ku furay faraca jaamacada Bariga africa ay ku yeelatay magaalada buuhoodle,munaasabadaas ayaa waxa ay ahayd tii ugu balaadhanayd ee ka dhacada magaalada buuhoodle.

Hoos Ka Daawo Xafladii loo qabtay furitaankii Farac Jaamacadda bariga Afrika ee magaalada Buuhoodle.

Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

231,959 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>