Hay’ada HARO oo 1500 oo qoys oo barakacayaal ah udxiya u qaybisay 2012

October 30, 2012 - Written by

Hay’ada Humanitarian African Relief Organization ee Marka la soo gaabiyo la yiraah (HARO) oo inta badan ku howlan taageerida Dadka tabaaleysan, ayaa waxay soo gabagabeeyesey Barnaamij Xoolo Qaybin oo ku aadan Ciidul Adhxaa , waxayna Barnaamijkaas ka fulisey Magaalada Muqdisho Kaamam ay ku jiraan Dad Barakacayaal ah iyo dad naafo ah.

Kaamamka laga qaybiyey Deeqdaa Udhxiyada ah ayaa waxaa ka mid ahaa Xerooyinka Barakacayaasha ee Baadle , Ashraaf , Alla Aamin, Abaaleey iyo Kaam ay ku jiraan dad Indhoolayaal ah , waxaana maalmihii ay qaybintu socotey Dusha ka eegayey Barnaamijkaas Masuuliyiin ka tirsan Hayadda HARO qaybteeda Soomaaliya.

Dadka Masaakiinta ah ee loo qaybiyey Udhxiyadaas waxay gaarayeen illaa 1500 oo Qoys (Kun iyo Shan Boqol oo Qays) , waxaana loo qaybiyey Xoollo isugu jirey Geel , Lo’ iyo Ari iyadoo Masuuliyiinta Hayada ee Qaybinayey Deeqdaas ay u sheegeen dadka in Deeqdaan ay soo dhibeen Walaalaha Muslimiinta ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika si Walaalhooda
aan wax haysan ugu Ciidaan Xoolahaasi Hilibkooda.

no images were found

Dadkii loo Qaybiyey ayaa si weyn uga Mahadceliyeen dadkii soo dhiibey Deeqdaas Udhxiyada ah ee Walaalaha Muslimiinta ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika iyagoo ugu Duceeyey in mid ka Khayr badan uu Ilaah ugu Badelo
, waxay ka codsadeen Hayada HARO in ay halkaas ka sii wadaan taakuleynta Dadka Masaakiinta ee ku jira Kaamamka Barakacayaasha ee guud ahaan Soomaaliya.

Hayadda HARO ayaa Muddooyinkaan Dalka ka wadey Gargaar Ban’aadanimo oo ay gaarsiinayeen shacabka Soomaaliyeed ee ay Colaadaha iyo Abaaraha ragaadiyeen waxayna Hayada horey wax ka qaybisey guud ahaan dalka
Soomaaliya iyo weliba dadka kale e Soomaaliyeed ee ku jira Xerooyinka Qaxootiga eewadamada darsika la ah Soomaaliya.

Xigasho Somali Talk

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online