Ilaahow na sug Sheekh Maxamed Idirs Qaybtii 2aad

October 31, 2012 - Written by

Alxamdulilahi Wasalatu Wasalamu Cala Rasuulilahi, Ama Bacdu, Wiilasha Qiraallada bixiyey Dilkii Sh.Dr Axmed waxaa iiga muuqdey waxaa ka mida: 2) Dhalin yaro diin dooneysey iney u gargaarto laakiin aan wadadeedi helin. Waxaa aad iisoo jiitey wiilka ugu yar kooxda oo dhan oo magiciisa xarakigaa ku sheegay Mustaf..qof kasta oo cajalka daawadey wuxuu garan karaa sida uu wiilku u waramayey iyo siduu uga qoomamaysan yahay falka madaxa loo geliyey aayadaha suuratul baqara ee uu sheegay iney mar walba qalbigiisa ku soo noqnoqdaan. inkastuu ilaalada gacan ku dhiiglaha ahaa, haddana wuxuu sheegay inaanunka dembi yarayn..wuxuu wax ka tilmaamey, sida fudud ee lagu gaarayo naf Muslima, balse culima ah in lagu khaarijiyo..qof kasta oo daawada wuxuu hadalkiisa ka dhadhansankaraa inuu si buuxda ugu qanacsan yahay inuu xaqiiqda ka waramo, oo aan wax khasab ahi ku jirin.

3) Wiilasha hadalkoodu wuxuu muujinayaa in loo baahan yahay in laga shaqeeyo sidii afka loola gaari lahaa, waxna loo fahamsiin lahaa dhalinyaro badan oo sidaa inta dhulka hoostiisa habeen mugdiya wax loogu akhriyey lagu marin habaabiyeyey.
4) Waxaa dhalinta ka muuqday aqoon darro xagga diinta iyo usuusheeda ka haysata, iyo aqoon darro baahsan oo xagga adduunka, waxaana u daliila waxa loo cuskday sheekha dilkiisa ayey yiraahdeen: inuu laanta FBI da u shaqeeyo, mana ayan oga laga yaabee, inaan laantaasu shaqaba ku lahayn wixii wadanka ka baxsan, wixii dibaddana waxa uga roonaan lahayd iney dhahaan CIA da waayo iyadaa dibadda ka shaqaysa.
5) waxaa ka muuqanayey dhalinta in culimadu aaney in badan la socon dhalinta waxa hoos loogu shubayo, habeenka madowna gurya mugdiya loogu akhrinayo, iyadoo lagu dirayo culimada iyo ummadda inteeda kaleba, taasoo u baahan daawo deg dega..Mustaf wuxuu sheegay inuu wax ku bartay dugsiga Alwaaxa ee garoowe..waa dugsi weyn oo wadaadadu gacanta ku hayaan..wuxuu kaloo sheegay in macalinkii dugsiga qur,aanku isaga tashkiiliyey..arrinkaasu wuxuu ku waajibinayaa dadka dugsiyada iyo iskuulada macalimiinta ka ah ama ardayda ka ah, aad maamuladu ula socdaan, kuwa ka dhex kaluumaysanayana feejignaan u qabaan, oo wixii fikirkaas qaba laga waaniyo hadaanu ka waantoobinna aan ardayda iyo caruurta lagu sii deyn.
6) waxaala yaab leh dhalinta fikirkaan lagu abuuro, waxaa lagu beeraa colaad iyo naxariis darro ay u qabaan ummaddooda oo dhan…waxaana loo tusaa shaqada ay hayaan mooyaane wax kasta oo cibaado iyo camala oo ummadda muslimku hayso iney tahay ciyaar aan waxba ka jirin… Dacwada, cilmiga, tacliinta,jaamacadaha, cisbitaalada, gargaarka dadka tabaalaysan, iayo wax kasta oo khayra oo la hayaa inaaney waxba ahayn.
Halka Qur,aanka iyo Sunnadu nagu dhiiri gelinayaan inaan khayrka oo dhan u tartanno, in wadooyinka khayrku badan yihiin, iney jiraan boqollaah wado oo kheyr ah oo janna lagu galo oo aan wax shaki iyo shubha ahi kuba jirin..in Albaabada jannada laga galaa badan yihaiin..bal u ifiirso: ninkii u yimi Nebiga Calayhi Salatu wasalaam oo ku yiri: inaan jihaadaan rabaa, wuxuu ku yiri: hooyo ma leedahay? Wuxuu yiri: haa.. Wuxuu ku yiri: War Lugteeda hoos fariiso, Jannadu Halkaas ayey Taalaaye..Bal fiiri: Jannada aad aragtay waxa dadku u marayaan, Nebiyada iyo Culimadu weydiisanayaan ilaahay, habeenka loosoo jeedo, jihaadka loo galo, wuxuu leeyahay Nebigu Hooyada Lugteeda ayey hoos taallaa..markaas ayaa laga dhaadhicinayaa dhlin yar yar uma baahnid Hooyo iyo Aabe warkood, ee ka soco…waa wax si hoose ilmaha loogu akhrinayo, dadka kalena aaney sidaas oo kale ilmaha wax ugu akhrinayn..sidaa darteed waa in dhalinta yar yar dadaal badan lagu bixiyo si looga badbaadsho fikirkaa gurracan..waalidiintana xil weyn ayaa saaran, inaaney sahlan dad fikirkaas qaba inaaney caruurta gacanta u gelin..Ilaahay hana sugo..
Mohamed Idris Ahmed, member of
North American Council of Somali Imams

3 Comments so far

Leave a comment

  1. Yaa rabb amiin Allow nagu sug xaqqa

  2. Ilaah ha xifdiyo sheekheena sha maxamed iyo culumada kale
    qiso ayaa dhacday wadan kamida wadamada carabta dugsi kuyaal caruur ayaa katimid maraykanka caruurtii ayaa macalinkii kuyidhi Abahaa hadii uu gaalyahay kurka kajar caruurtii arinkii ayaa yaab kunoqday waxay igu dhaheen macalinkii ayaa saa yidhi ayagu gaal iyo muslinba kama fikirayaana Abahaa kurka kajar ayuun bay kaga dhagtay ugu danbayn caruurtii dugsigii waan kajoojinay abhii oo maraykan joogana waa soo hadlay ayagiina waan waaninay waxana rajaynayaa inay qaateen.

  3. asc sh. maxamed allah haku xifdiyo adiga iyo culimadeena kaleba noociinana allah habadiyo xaqana ha inagu sugo
    shiikh wiilka mustafe maahan ka hadlay ee mustafe waa ragga aan weli lahelin yarkan garoowe ka tagey waxaa layiraahdaa maxamed maxamuud baan filayaa wuxuuna ahaa ninkii ilaalada qaabilsanaa mustafena waaba wiilkii shuftada hogaaminayey
    lkn waa sax shiikh waa saas u sheegtay ilaaahay ha ina dhawro isaga wayne.
    asc sh allah dartiis baan kuu jeclahay adiga iyo culimadeena kaleba

Leave a comment

*