Madaxweynaha DFS oo la filayo in uu safar ku gaaro saaka magaalada Beledweyne

October 2, 2012 - Written by

Hiiraan:-Madaxweynaha DFS, Xassan Sheekh Maxamuud iyo Xilibaan ka soo jeeda Gobolka Hiiraan ayaa saaka la filayaa in ay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo ku sii jeeda magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin safarka uu Madaxweynaha DFS  Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga xilibaanada ah  ee ku sii jeeda Magaalada Beledweyne balse waxaa la filayaa in u jeedada safarkoodu in uu yahay in ay soo booqdaan dadka reer Beledweyne ee khasaaro maal iyo mid nafeedba uu ka soo gaaray wabiga shabeelle oo ku fatahay, Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa kale oo ay kulamo gaar ah la qaadan doonaa Saraakiisha ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM.

Magaalada Beledweyne ayaa saaka waxaa lagu arkayey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo ciidamo Soomaali ah oo sugaya amaanka, socdaalka uu madaxweynaha iyo wafdiga la socda ay saaka ku aadeen magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay noqonaysaa safarkii ugu horeeyey ilaa intii xilka loo egmaday.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa qabsaday ciidamo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya Soomaali waxaan magaalada ka baxay ciidankii  ururka Al-shabaab oo in mudo ah ka talinayey magaalada, magaalada Beledweyne ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan AMISOM oo ka soo jeeda dalka Jabuuti

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online