Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Giulio Maria

October 23, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu ku qaabilay xarunta Villa Soomaaliya wafdi uu horkacyo wasiirka arimaha dibadda ee dalka Talyaaniga Giulio Maria Terzi waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan ee Talyaaniga iyo Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Xasan Sh Maxmuud ayaa sheegay in booqashada wafdiga Talyaaniga uu yahay bilaaw fiican wuxuuna rajo ka muujiyey in dowlada talyaaniga ay garab istaagto dowlada federaalka ee Soomaaliya.
Wasiirka arimaha dibadda Talyaaniga Giulio Maria Terzi  ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo gaaro magaalada Muqdisho waxaana uu balan qaaday in dowladiisa ay laba jibaari doonto taageerrada ay siinayso umada Soomaaliyeed .

Wasiirka arimaha dibada ee dalka Talyaaniga ayaa sidoo kale xusay xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeyn jiray dowlada talyaaniga iyo Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay madaxada JFS in ay la yimaadaan waxqabad muuqada si Soomaaliya ay dhibta uga baxdo

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

251,104 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>