Madaxweynaha JFS oo Qaabilay Wafdi ka socday Urur Goboleedka IGAD(Warsaxaafadeed)

October 16, 2012 - Written by

Muqdisho:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiis kiisa ku qaabilay  Wafdi  ballaaran ee uu hogaaminayey Xogahayah Guud ee Urur Goboleedka IGAD  Mahbub Moalim Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay  Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka, Siyaasadda iyo Kaalinta  Wadamadda Geeska Afrika ay ku leeyihiin  Dowladdda Soomaaliya .

Xoghayaha Guud ee  Urur Goboleedka  IGAD ayaa madaxweynaha uga warbixiyey kulanka maalmahii la soo dhaafay ka socday  Magaaladda Nairobi  ee dalka Kenya oo looga hadlayey sidii loo hagaajin lahaa Ammaanka  Goboladda laga xoreeyey Al Shabaab iyo sidii maamul hoose loogu sameeyn lahaa, waxaana la isku raacay in masuuliyadda maamul u sameeynta goboladda la xoreeyey leedahay Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeeyntii Xogahayaha Guud ee  Urur Goboleedka  IGAD ayaa u sheegay Madaxweyanaha  in diyaar u yihiin gacan siinta Dowladda Soomaaliya iyadoona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh uu uga mahadceliyey Urur Goboleedka  IGAD. tageerada ay siiyaan  Dowladda Soomaaliya.

                                                         –  Dhamaad

Suldan A. Farahseed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia,
media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online