Dhagarqabe Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) oo ku sugan dalka Malaysia

October 24, 2012 - Written by

Malaysia:-Mid ka mid ah Dhagarqabayaashii qeybta ka ahaa dilkii foosha xumaa ee loo geystay Sh.Dr.Ahmed Xaaji C/raxmaan ayaa waxaa la ogaaday oo ay soo wargaliyeen qaar ka mid ah jaaliyada Sooomaaliyeed in uu ku sugan yahay dalka Malaysia ka dib  markii la shaaciyey masawirada dhagarqabayashii dilay Dr.Ahmed Xaaji.

Dhagarqabahan la ogaaday in uu ku sugan yahay dalka Malaysia ayaa waxaa magaciisa la yiraahdaa  Xassan Jaamac Xassan (Xassan Surato) wuxuuna ahaa madaxa Amniyaadka Al-shabaab ee Puntland waana ninkii soo amray dilka Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan waxaana sidaas cadeeyey qiraalka qaar ka mid ah raga gacanta lagu hayo waxaadna ka daawan doontaa Cajalka Muuqaalka ah oo ay Halgan.net baahin doonto  hadii alle idmo.

Gudiga madaxbanaan ee ku howlanaa baaritaanka cida ka danbeysay dilka Dr.Ahmed Xaji ayaa waxay ka codsanayaan dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee ku sugan Malaysia in ay qeyb ka qaataan qabashada dhagarqabo (Xasan Surato) si loo mariyo cadaalada.

Gudiga ayaa waxaa uu ka codsanayaa dhamaan umada Soomaaliyeed meel walba ay joogto in ay qeyb ka qaataan soo qabashada Dhagarqabayaasha dilay Sheekh Dr.Axmed Xaji C/Raxmaan raximahulaah wixii macluumaad ah fadlan ku soo hagaajiya Emailka hoos ku qoran.
awaxmad2011@yahoo.com

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online