Nabadoon Ahmed Sheekh oo caawa lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta J/hoose

October 18, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in caawa lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo Nabadoon caan ka ahaa magaalada oo lagu magacaabo Ahmed Sheekh  kana soo jeeda Beesha Absame .

Alaha u naxariistee Nabadoonka Ahmed Sheekh ayaa waxaa la dilay xili uu ka soo baxay Salaadii Maqrib uuna ku sii jeeday xaafadiisa oo ku taal  xaafada Via Afmadow .

Kooxdii dilka u geysatay Nabadoon Ahmed Sheekh ayaa goobta ka baxsaday waxayna ahaayeen kooxda dilka geystay kuwa afka u duubnaayeen

Ilaa hada lama yaqaan wax loo dilay Nabadoon Ahmed Sheekh oo aan wax shaqo ah ama luga ku lahayn siyaasad is diidan ee gobalka J/hoose.

Halgan.net oo caawa xiriiro kala duwan la sameysay ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxay noo sheegeen in Nabadoon Ahmed Sheekh ay u badan tahay in loo dilay aano qabiil .

Ciidamada huwanta ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa caawa Bandow ku soo rogay magaalada waxaana ay wadaan howlgalo lagu baarayo cida ka danbeysa dilka Nabadoon Ahmed Sheekh.

Sahal Ahmed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online