Puntllad oo warsaxaafadeed ka soo saartay Khasaarihii ka dhashay roobabkii ka da’ay goballada Puntland

October 28, 2012 - Written by

Garoowe:-Roobabkii ka da’ay Goballada Puntland dhowrkii maalmood oo ugu dambeysay ilaa iyo xalay [27 Oct. 2012] ayaa geystay khasaaro isugu jira naf iyo maal intaba, sida:

Degmada Qandala: Dhimasho 2-qof (wiil iyo gabar); 3-Saxiimadood iyo 2-Laash oo burburay; waxaa nafwaayay 2,098-neef oo Ari ah, 63-neef oo Geel ah, iyo 70-Dameero ah; waxaa burburay 116-Guri oo 4-guri oo ka mid ah ay leedahay Dowladda Puntland; wadaduna way xiran tahay.

Degmada Boosaaso: 6-buundo oo go’ay;

Degmada Beyla: 1-Laash oo burburay iyo 3-Cariish oo dumay; 40-guri oo khasaare soo gaaray oo isugu jira dildilaac iyo burbur; waxaa xoolo farabadani ku dhinteen tulooyinka kala ah Dhudhub, Ceel Dhidar, Kulule, iyo Qoton.

Degmada Xaafuun: Dhimasho 2-qof oo Kulluumaysato ah oo la kala yiraahdo Marxuum Kalaay Cali Cambare iyo Marxuum Kolkooli Cabdullahi Siciid Amiin; 12-Cariish oo dumay; inta ud dhaxaysa tulooyinka Mareer ilaa Noodir waxaa ku nafwaayey xoolo badan oo aan tiradooda rasmiga ah lahayn, wadaduna way xiran tahay.

Degmada Dangorayo: 5-guri oo dumay; ilaa oo 200-Qoys baa qiyaastii 8,000-neef ka dhinteen; sidoo kale, xoolo u badan Ari ayaa ku nafwaayey tuulooyinka Suuj iyo Xaaji Kheyr.

— DHAMAAD —
Communications Office

The Puntland Presidency
Office: +252 90 — 794312 /
794040 /
794776 / 794597 / 799128

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online