Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Koontaroolka Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye

October 6, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya  in qarax is miidaamin ah uu ka dhacay maanta waxaana qaraxa fuliyey qof naftiisa ku xiray walxaha qarxa.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay  Isgoyska Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye  waxaana ku dhintay qofkii is qarxiyey  sidoo kale waxaa  jira khasaaro gaaray ciidanka DFS balse wax faahfaahin ah lagama hayo.

Ciidamada Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay iyaga oo halkaasi ka bilaabay howlgalo ay ku baarayaan cida soo abaabushay weerarkan.

Goobjoogayaal ku sugnaa meel ku dhow Koontaroolka Baar Ismaaciil ee uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay arkeen 3 askari dhaawac ah oo dhulka yaal balse guddoomiye ku xigeenka degmada Afgooye, ayaa sheegay in ciidanka DFS aysan soo gaarin wax khasaaro ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online