Ra’iisul wasaare JFS oo Maanta xilkii kala waregay Ra’iisul W. Hore Cabdiweli Gaas(Masawiro)

October 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xaflad si heersare ah loo soo Agaasimay oo ay xilka kula kala wareegayeen Ra’iisul wasaare JFS  Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Ra’iisul wasaarihii hore Dr. Cabdi weli Maxamed Cali waxaan ka soo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyida Federalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheekh Maxamuud, Golaha wasiirada, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kala duwan ayaa ka dhacaday Hoolka shirarka ee Golaha wasiirada.

Ugu horayntii Ra’iisul wasaarihii hore Dr. Cabdi weli maxamed cali ayaa ka warbixiyey wax qabadkii xukuumadiisa iyo guulihii ay gaartay mudadii ay jirtay, wuxuuna sheegay in ay meel fiican soo gaarsiyeen howshii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed xukuumada cusubna ay haysato fursado badan taas oo u suurta galin karta inay dhamaystirto howlihii qabyada ka ahaa xukuumadii hore, intaa kadibna wuxuu Ra’iisul wasaarihii hore ku wareejiyey Ra’iisal wasaare cusub Xilkii isagoona u rajeeyey inuu ku guulaysan doono howlaha horyaala maadaama uu yahay nin khibrad iyo aqoon dheeraad ah u  leh arimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha DFS  ayaa hadalo kooban ka jeediyey goobt. “Waxaan maanta xilka kala wareeganay Xukuumadii Badbaado Qaran anigoo kalsooni buuxda ku qaba Dr. Cabdiweli waxaana ku faraxsanahay in wixii la soo qabtay wax ka fiican uu Ilaahay ka rajaynayo inuu dalka ka qabto iyadoo taasna noo suurta galin doono waqtiga anagoo kaashanayna Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyee”

no images were found

Ugu danbayntii Madaxweynah JFS Prof. Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadaalkii ku salaysnaa isbadalka uu si wanaagsan u socdo taas oo makhraati ka ah sida xilkasnimada ku dheehantahay oo xilka laysugu wareejinayo caalamkuna ay aad ugu riyaaqsanyihiin in Soomaliya ay Jihadii fiicanayd ku socoto taasina waxay  abuuraysaa kalsoonida shacabka iyo tan caalamka.

>>>DHAMAAD<<<

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director,
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online