Khudbadii Jimcaha ee maanta Sheekh Maxamed Cabdi Umal (Dhageyso)

October 12, 2012 - Written by

Nairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa maanta waxaa uu si fiican uga hadlay khudbadiisii Jimcaha sida  Aduunyadu u tahay wax liita marka loo eego Aakhirada , Shiikh Maxamed ayaa xusay in aduunyo sharafteedu ay tahay in qofku ku dhamaysto in alle xasuusto allena uu ka baqo una hogaansamo.

Sh Maxamed Cabdi umal ayaa waxaa uu uu sheegay in aduunku yahay wax dhamaanaya  iyadoo ay tahay wax liita dad badan ay ku kadsoomaan oo ay ilaaween daartii danbe ee Aakhiro oo ah mid kaliya ee baaqiga noqonaysa , Sh Maxamed Cabdi Umal ayaa waxaa uu isku barbar dhig kooban uu ku sameeyey daarta Aduunyada oo ah wax liita oo dhamaanaya iyo Daarta Aakhiro ah mid baaqi ah uuna liibaanay kan u diyaargaroobay oo shaqo fiican iyo toosnaa la yimid intii uu aduunka ku noolaa.
Hoos ka Dhageyso  Khudbadii Jimaca ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah.

[audio:https://halgan.net/Mp3/KhudboJimcahaUmal.mp3] ama Halkan MP3

Halgan.net
Nairobi

7 Comments so far

Leave a comment

  1. jasaakum alaalhu khayr alaha xafido sheekh umal ilaahayna ha ku sugo xaqa

  2. asc ilaahayaw xifdi sheekh umal iyo culimada kalee lamid ka ah

  3. AC dhamaan walallah khayrka jecel gaar ahaan halgan jazaakalaahu khayr intaakadib sheekha waxaan alaah subxaanahu wataacaal ugabaryayaa in cimriigiisa khayiyo dhaaco ku dheereeyo amiin dhamaan culamada soomaliyeed waxaan urajaynayaa khayr xaqiiqdii waxy masuul ama sabab uyihiin khayrka dadka afsoomaliga kuhadala ay haystaan eediin iyo dadnima ah ilaahay kabad baadiyo inta dhibka ladoonaysa gaalo iyo wax magarad muslimiinta kudhax jira

  4. Asc allaha ha noo xifdiyo sh umal amiin

  5. Aslama Caleyku Waraxmatullah

    Allaah ha xifdiyo sheekh ummal iyo inta la midka ah waa indhihii ummadda.

  6. Bismillaahi Raxmaani Raxiim
    Allaah ayaa mahad dhamaanteed leh Mahad aan la koobi karin
    Nabi muxummad Nabad galiyo iyo Naxariisi Dushiisa ha haato
    intaa ka dib
    Allaah Sheekh Maxamed hanoo Xafido Caafimaad iyo Cimri dheer iyo Cibaado Suubban Allaah ha ku razaaqo Allaah Carrabkiisa xaqa ha ku sugo mar walba sida uu mar walba u garab taagan yahay Xaqa.
    Waanadan Qaaliga ah ee mudan in Biyo Dahab lagu qoro Allaah ha nagu anfaco. Aamiin Aamiin Allaahna Ammaan Aaakhiro ha na siiyo Jidka Siraad iyo inta ka danbeysaba.

  7. alle ha xifdiyo shiikha isaga iyo inta culamda ee dacwada karunsheegaysa allena u gudhawaanaya waxanse kacodsanlahayn waxyaba badan oo dadka ka qarsoomay baa jire eh ee ha ifiyeen inshalaahu barakalaahu fiikum

Leave a comment

*