Shirar ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose

October 4, 2012 - Written by

Kismaayo:-Warar naga  soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in  magaalada Kismaayo uu ka soconayo kulamo dhowr ah oo looga arrin sanyo qaabkii ay ciidanka qabsaday magaalada ay u sugi lahaayeen amaanka iyo siddii ciidamo Boolis oo gaar ah loogu samayn lahaa magalada.

Ilaa hadda lama yaqaan wax ka soo baxay kulamada socoda balse waxaa warar hordhac ah oo soo gaaray Halgan.net ayaa sheegay in ciidan ka loogu tala galay in ay noqdaan Booliska magaalada lagu hishiiyey ayna ka imaan doonaa Ciidanka Raaskaamboonin iyo ciidamada DFS iyadoo koox walba la siiyey tiro go,an. Wararka aan helnay ayaa sheegay in ciidanka Booliska ee loo samayn doono magaalada Kismaayo ay si siman u qabsan doonaa  ciidanka Raaskaambooni iyo kuwa DFS waxaan la geyn doonaa ciidamada xarunta Degmada Kismaayo,Saldhiga Booliska iyo goobo kale.

Ilo wareedka na soo gaarsiiyey warkaan ayaa noo sheegay in ciidanka dalka Kenya oo qayb ka ahaa qabsashadii magaaalada Kismaayo iyagu ay sugi doonaa amaanka Dekkada Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha  iyo goobo  kale oo ku yaal gudaha iyo duleedka magaalada Kisimaayo.

Dhinac kale waxaa la filayaa in guddoomiyaha ciidanka Raaskaambooni Axmed Madoobe iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFS ay la hadli doon Saxaafada walow warkaas uusan weli si rasmi ah loo shaacin, waxaa kale oo xusid mudan in magalada Muqdisho uu ka socdo shirar kale oo iyagana looga hadlayo arrinta Kismaayo.

 

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online