Sidee looga ciiday caasimadda Denmark, Copenhagen.
October 28, 2012 - Written by
Copenhagen:-Maamulka markaska Soomaaliyeed al-tawxiid ee magaalada Copenhagen ayaa sidii looga bartay guud ahaan ummaddisa muslimiinta gaar ahaan ummadda soomaaliyeed ku ciidsiiyey fagaar weyn ee Nørrebrohallen Dadka kasoo qaybgalay salaadda ciidda carafo ayaa aad u badnaa kuwaas oo buux-dhaafiyey goobtii loogu talo-galay salaadda ciidda.
Salaadda dabadeed waxaa halkaas khudbad kooban oo qiime leh kajeediyey Sheekh Cabdiraxmaan Abyad isagoo ummadda ku adkeeyey inay ku dadaalaan cabsida Ilaahay, ayna ilaaliyaan wadajirkooda.[nggallery id=294]
Intaa dabadeed waxaa caruurtu heshay fursad ay ku ciyaaraan qalabkii loogu diyaariyey goobta.
WT
Maamulka Markaska soomaaliyeed ee al-tawxiid
Copenhagen
Denmark

.gif)

