Taariikh Nololeedka Ra’iisal Wasaaraha cusub ee DFS Dr Abdi Farah Shirdon Saacid

October 6, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud ayaa maanta oo ah Sabti bishuna tahay 06 November 2012 u magacaabay Dr. Abdi Farah Shirdon (Saacid) inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaalka Soomaaliya. Saacid waa dhaqaaleyahan oo khibrad dheer u leh dhanka ganacsiga gaarka loo leeyhaay oo runtii aad iyo aad u saacideysa Soomaaliya oo marxaladdan khatartaah oo ay u guureyso horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa ka soo qalinjabiyey Jaamicadii Ummadda Soomaaliyeed ee Gaheyr bishii May 1983 oo uu helay shahaadada loo yaqaano Bachelor ee dhaqaalahaa. Saacid ayaa sanadihii 1983 ilaa iyo 1985 ka soo shaqeeyey Wasaaradihii Maaliyadda iyo Beeraha oo uu ka ahaa Dhaqaaleyahan. Halkaas oo uu 1985 u wareegey dhanka ganacsiga gaarka loo leeyahay oo uu la soo shaqeeyey shirkaddii lagu magacaabi jirey Bretton Woods Institutions isla markaana uu ahaa Aasaasihii iyo Maamulihii shirkadda loo yaqaano Shirdon International Ltd ilaa iyo 1991.

Dagaaladii sokeeye ee 1991kii ayuu Saacid u soo guurey Nairobi oo uu noqday Aasaasihii iyo milkiilihii Shirkadda loo yaqaano Shitraco Ltd & Shaam. Saacid waxuu labaatankii sano ee la soo dhaafay ahaa shaqsi u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya oo uu bishii March 2012 loo doortay Guddoomiyihii ugu horreeyey ee Golaha Rajo (Rajo Forum). Saacid waxuu leeyahay 4 caruur ah iyo xaas oo ay xaas kiisu tahay Asha Haji Elmi oo ah Xildhibaanad si weyn looga yaqaano Soomaliya oo wax badan dhanka bulshada rayidka ah ka soo shaqeysey 00 ay Soomaali fara badan wax ugu qabatay.

Suldan A. Farahseed
Communication Director Office of the Somali
President Mogadishu, Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online