Ugu Yaraan 14 Qof Ayaa Ku Dhintay Duufaantii Sandy

October 30, 2012 - Written by

New York:-Duufaantii Sandy ee ku dhufatay xeebaha bari ee Maraykanka ayaa dishay ugu yaraan 14 qof, sidoo kalena dhalisay daadad badan oo ku fatahay magaallooyin ay ka mid tahay New York.

Duufaanta Sandy oo watada dabeylo- gaaraya saacadiiba 120 kilometers  ayaa soo gaartay xeebaha dalkan Mareykanka Isniintii shalay, gaar ahaan meel 200 kilometer  u jirta Magaalada New York, waxeyna daadad joogoodu dhamaa afar mitir ku soo rogmadeen, dhulka hoose ee Degmada Manhattan oo ka mid ah New York.

Dhimasho ayaa laga soo warinayaa meelaha ay duufaantu saameysay ee gobolka, laga soo bilaabo Gobolka Maryland oo ku yaala duleedka Washington, ilaa iyo magaalada Toronto ee dalka Canada.,

Ugu yaraan 16 qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen New Jersey, New York, Maryland, North Carolina,  Galbeedka Virginia, Pennsylvania iyo Connecticut, dhimashada badankeeda waxaa sababay, geedo soo dhacay iyo shilal baabuur.

Ugu yaraan 6.2million oo qof oo ku nool Gobolada xeebaha bari ee Mareykanka ayaa korontadu ka maqantahay.
Qasaaraha maaliyadeed ee duufaantan ka dhashay  ayaa lagu qiyaasayaa malaayiin dollar. Ubucda dabeyshan ayaa soo gaartay dhulka barriga ah xalay, gaar ahaan Gobolka New Jersey.

Gobolada ay sida weyn u saameysay duufaanta waxaa ka mid ah  gobolada waqooyi bari Mareykanka gaar ahaan – Connecticut- waxaana ilaa iyo sideed magaalo oo ku yaala gobolka dadkii ku noolaa gaar ahaan dadkii ku dhuwaa xeebaha loo daad gureyay guryo ku meel gaar ah.

Magaalooyin kale ee ay duufaantu sameysay dhinaca bariga waxaa ka mid ah Magaaladan Washington, oo gaadiidkii daweynaha iyo tareenada aaney shaqeyneyn maalintii 2aad.

Weli waxaa xiran garoomada dayuuradaha oo kumanaan duulimaad la baajiyay . Malaayiin qof ayaa sidoo kale duufaantu ku qasabtay inay shaqooyinka ka joogaan. Dhinaca siyaasadda marka la eego duufaantu waxey saameysay ololihii doorashada Madaxweynenimo ee dalkan Mareykanka.

Madaxweyne Barack Obama iyo ninka ay ishayaan ee Musharaxa xisbiga Jamhuuriga  Mitt Romey ayaa baajiyay kulamo ay ka qeybgali lahaayeen Isniintii shalay.

Masuuliyiinta ilaa sagaal gobol oo ku yaala xeebaha bari ee mareykanka ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana la xiran maalintii labaad xafiisyadii dowladda.

Wasaaradda gashaandhigga ee Mareykanka ayaa sheegtay in ku dhawaad 2,000 askari oo ka mid ah, ciidamada ilaalada qaranka, la howgeliyay, si ey gacan uga geystaan ka jawaabista musiibadan, ku dhawaad 60 kun oo kalena waxaa la geliyay heegan buuxa.

Madaxweyne Obama ayaa ku dhawaaqay in musiibo weyn ay ku habsatay New York, waxuuna dadka ku amray inay u hogaansamaan talooyinka iyo amarada madaxda iyo masuuliyiinta gobolada ay duufaantu ku dhufatay.

Duufaanadan mareykanka oo inta badan qolyaha saadaashu ay u bixiyaan magac dumar, ayaa sanad walba soo noq noqda, waxeyna ka yimaadaan dhulka Crebianka.

Inkastoo duufantu ay ka gudubtay inta badan magaalooyinka gobolada bari ee mareykanka ayaa weli waxaa laga dareemayaa saameyntii ay reebtay.VOA

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online