Waa kuma Morten Storm.[Muraad] Maxaase kala socotaa Taariikh nololeedkiisa

October 10, 2012 - Written by Bile Osman Keenadiid

Copenhagen:-Morten Storm waxaa uu ku dhashay 1976 magaalada Korser waxaa uu ahaa yaraantiisii ahaa wiil ku fiican Banooniga  waxaan uu dhowr jeer qayb ka dhoqday faldanbiyeedyo , Morten Storm ayaa markii ay da,diisu gaartay 21 sanno waxaa ku biiray koox la yiraahdo  Bandidos waxaan uu qayb ka ahaa iska horimaad dhexmaray labada kooxood ee Bandidos iyo Hells Angels .

1997 Morten Storm ayaa waxaa is bedel ku yimid noloshiisii waxaan uu  sheegay in uu Muslimay, Morten Storm ayaa markii uu sheegay in uu yahay Muslim waxaa uu  u socdaalay dalka Yemen isagoo sii maray  magaalada London ee caasimada dalka Ingriiska.Morten Storm ayaa socodaalkiisa uu ugu boqoolay dalka Yemen waxaa uu  u jeedadiisa uu ahaa in uu soo barto afka carabiga iyo isagoo xiriir iyo isbarasho kale duwan la soo yeeshay kooxo carab ah  oo ku nool dalalka carabta gaar ahaan dalka Yemen.

Morten Storm ayaa waxaa uu markii uu islaamka sheegtay uu  noqday qof aad u xagjira ah ama lagu yaqaan xadgudubka diineed isagoo markaas xiriir la yeeshay kooxo iyo dhalinyaro ku nool dalka Ingriiska  kuwaas oo qaarkood lagu riday xukumo  kale duwan .Morten Storm ayaa waxaa uu safari kale duwan uu  ku bixiyey dalka Yemen iyo Kenya isagoo markaas isku ekeysiinaya  in uu aasaasayo shirkad dhinac Hawada ah, Morten Storm ayaa waxaa inta badan lagu arki jiray Masaajida Muslimiinta ee ku yaal magaalooyinka Odense, Aarhus  iyo Copenhagen isagoo xiriir la samaystay bulshada muslinka ah eek u nool dalka Danmark.

Morten Storm ayaa waxaa uu la baxay Muraad oo ah magic Muslim ah waxaan uu guursaday gabar u dhalatay dalka Marooko waxaan ay u dhashay wiil kaas oo uu u bixiyey Osman. Idaacadaha caalamiga ah ee ABC, CNN, iyo idaacadaha dalka Danmark ayaa aad u ga faalooday Morten Storm iyagoo waraysiyo kale duwan la yeeshay aqoon yahano iyo khubaro dhina Sirdoonka ah.

Halkaan ka eeg Warbixintii hore ee uu waregyska Jullands-Posten uu ka diyaariyey Morten Storm. [Muraad]

Morten Storm ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey 7.10.2012 wargeyska loo yaqaan Jullands-Posten waxaa uu ku sheegay in uu qayb ka ahaa dilkii Anwar al Awlaki, isagoo jaajuus u ahaa sirdoonka dalka Danmarka PET iyo CIA Maraykanka . Anwar Awlaki ayaa waxaa la dilay 30 bishii
September 2011  waxaan dilay diyaaradaha aan duuliyuhu wadin  waxaan ay ku dileeen meel u jirtay 140 Km caasimada dalka Yemen ee Sanca.

Hoos ka eeg warbixinta ABCNews ay ka diyaarisay Morten Storm

Source Jullands-Posten/ABC News

6 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc, waxan u malaynayaa Muraadyo badan baa Somaliya jooga hadaan sidan wax laga badalina goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen baa la oganaya.

  2. waxaan la yaabey sida uu u cabbirey walaalka Bin ee hadalka kore iska leh, sidaas oo miiran ayay kuugu soo gabbanayaan oo iskaga kaa dhigayaan inay nasiix kuu yihiin oo jid alle ku taagan yihiin oo farta miidda kuu darayaan iskuna kaa xoqayaan ilmo iyo xamaasad aan meel jirinna kuu muujinayaan iyaga oo xaqiiqo ahaan godkaaga qodaya, markaasaa mid badan oo iska dhoohane ah uu ku dagmayaa oo xagga iyo xagga la boodboodayaa, oo magacyo wada ABUU ah iyo Mujahid iyo Muhajir ugu luuqeynayaa dabeed uu goor dambe waagu ku baryayaa isaga oo dhooqo badhtamaha ugu jira oo meel uu uga laaban karo aysan jirin, ilaahayow doqon ha naga dhigin.

    waxaan anigu xasuustaa maalin baa mid gadh weyn oo aan u maleyn in uu pakistani ahaa isoo garab fariistey meel basaska laga raaco, dabeed narkuu isalaamay ayuu i weydiiyey halka aan u dhashay ka dib baan u sheegay oo aan iri anigu soomaali baan ahay, markaasuu bilaabey inuu sheeko iska cad oo kab tuur ah ila soo galo, isagoo i baraya inuu rabo inuu ku biiro wax uu ku tilmaamey walaalaha halganka kula jira yuhuudda caalamiga ah, dabeed inta kor u fiiriyey ayaan iri saaxiib waxaad ka hadleyso maba fahmayee xageed igala qaadey..? waxaanan u sheegay inaanan warba u heyn waxa uuka hadlayo aniguna aan ahay nin qaxooti ah oo waddanka ku cusub ee sheekada la aado cid la fahmeysa, marka waxaa laga yaabaa mid morten oo kale inuu ahaa, maxaa yeelay nin hadda isugu kiin horreysay oo aydaan hore isu aqoon in inta kula soo fariisto uu sheekooyin caynkaas ah kula soo galo waa wax la yaab leh.

    laakiin ogow ogaada soomaaliya wax badan oo ka dhacaya oo jihaad iyo islaam loo nisbeynayo inay xaqiiqo tahay in rag badan oo noocaas ah oo weji kale ku socda ay ka dambeeyaan, markaasaa caruurtii yaryareyd inta anaashiid dhegaha loo wada geliyey oo diin looga dhigay ayaa dabka lagu gurayaa, iyadoo laga yaabo in anaashiidaas qofka soo diyaariyey laftiisa uusanba islaam ahayn ee uu ugu talo galey inuu caruur badan ku kiciyo oo olol ku rogo. marka digtoonaada oo culimada iyo cuqaasha ka agdhawaada diintuna xadgudub beri bay ka tahaye.

  3. Ascwrwb

    Morten Storm (Muraad) In badan oo wax fahmaya aad bay uga shakin jireen, waxaan xasuustaa in uu maalin iigu yimid Masjid ku yaal Magaalada Birmingham, maadaama aan horey isu naqaaney wuxuu ii keenay boorso weyn oo ay ku jiraan Tuute iyo kabo ciidan markaas oo dhahay fadlan u gudbi Mujaahidiinta boorsadii waan ka qaaday balse haanta qashinka ayaan ku riday markii uu iga dhaqaaqay, waxaan kaloo xasuustaa inuu xariir fiican la lahaa rag hada somalia ka dagaalama ama asagu ka danbeeyay inay halkaas aadaan. Marka rag is ilaaliya wax badan baa jireeeeeeeeeeeeeeeeee.

  4. Alla maxaa munaafiq meel walba tuban. Kuwaanoo kale yacnii caddaanka soo muslimaya aad baa loogu kadsoomayaa. Inta la is leeyahey soo dhoweeya, gogol u fidiya ayuu shaqadiisa qabsan. Waqti ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen ayaa la baraarugayaa.

  5. bal idinku muxaadaraadkan dhegeysta uu sh axmed c/samed noo sheegayo
    http://www.youtube.com/watch?v=y9rc5EqcAc8

  6. maxaa idiin baxay saaxiibayaal, ma la yaabteen inbadan oo shaarka islaamka huwan oo sufuufta hore ee masaajidda kugu ciriiryeysa oo wadamada reergalbeedka jooga ,oo websiteyo inta sameysteen iyagoo jooga bartmaha dhulalka gaalada front pagekooda kusoo sawirtey raggaas la wada raadinayo amaba qaar la laayey, iyagoo ku ammaanaya, luqdda kaliya ee webabkooda ku qoranna ay tahay jihaad,jihaad,mujaahid,mujaahid iwm, iyagoo si xorriyad leh u dhex mushaaxaya meeshay doonaan, masaakiin aan waxba galabsanna qaarna la cayrsanayo qaarna xabsiyo ku jiraan for nothing, ma isqaadan karaan marka arrimahaas? wallee timir laf baa ku jirta.

    kuwo kalena maanta waxaabay hogaanka u hayaan waxyaabaha jihaadka lagu tilmaamayo ee shacabkii soomaaliyeed lagu dabargooyey ee soomaaliya ka dhacaya ,dacwadii islaamkana lagu suuro xumeeyey, culimadii dacwadana lagu caynayo maalin iyo habeen.waxaabad quusan markaad maqasho magacyada la siiyey kuwo badan oo dibadaha ka yimid oo loogu magacdaray “Almuhaajiriin” yaab badanaa, markaasaa xaalkii soomaaliya uu noqday sida ninkii yiri “War hashu maankeyga gaddaye ma masaar bey liqdey” waxaana wax la hubo ah in mid badan oo sida (morten) ahi ku jiro oo qasayo soomaaliya, culimadii soomaaliyeedna war waa laga maqli waayey iyo waayeel taladii, markaasaa xaal wuxuu noqday in meel ay u qaadaan ay la, yihiin maanta oo qof aaminaya qof kale uusan jirin hogaamiyeyaashii alshabaab oo la leeyahay nin walba istaafkiisa ma ogola in laga bedelo oo xaalkoodu waa atoorayaashii cowboy-ga ee bistooladaha isla gaadayey..wallaahul-mustacaan.

Leave a comment

*