Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo gaaray magaalada Kismaayo

October 17, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay madaxada DFS ,Saraakiisha ciidanka Kenya iyo Madaxada Ururka Raaskambooni.Wafdigan oo saaka gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay u Jeedadiisu ahayd sidii dhinaca Sharciga looga Gacansiin Lahaan Dadaalka Urur Goboleed ka IGAD ay ku Doonayaan in Maamul Goboleed Loogu Dhiso Gobolada Laysku Oran Jiray Jubba Land. 

Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD markuu Muqdishu Tagay shalay ayaa wuxuu la Kulmay Madaxda ugu Saraysa Dowladda Federalka ee Soomaaliya, waxayna  isla Soo Garteen in ay Muhim tahay in horay loo wado Dadaalka ay Dadka Deegaanku ku Doonayaan in Maamul loo Sameeyo Gobolada Gedo, Jubada Dhexe & Jubada Hoose.

Wafdigan  wuxuu Daqiiqado Ka Hor ka Duulay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose asagoo ku sii Jeeda Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya. 

Socdaalka wafdiga ka socda urur goboleedka IGAD ee gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay soo qiimeeyeen xaalada Magaalada Kismaayo ka dib markii laga saaray Ururka Al-Shabaab iyaga oo marka ay soo gaaraan magaalada Nairobi ka xogwarami doona wixii ay la soo kulmeen .
 
A Sahal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online