Wafdi ka socda urur goboleedka IGAD oo ku sii jeeda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

October 17, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wafdi ka socda IGAD iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa la filayaa in ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose wafdigaan ayaa waxaa ay safar ku soo mareen magaalada Muqdisho waxaan ay la kulmeen Madaxweynaha DFS Xassan Sh Maxamuud iyagoo ka wada hadlay siddii maamul hishiis lagu yahay loogu samayn lahaa magaalada Kismaayo.

Wafdiga IGAD iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa waxaa  ay u ogogol xaarayaan shir weyne la doonayo in uu ka dhaco magaalada Kismaayo shirkaas oo ay IGAD doonayso in maamul Gobolleed loogu magac daray  Juba Land State ka samayso Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo iyo Jubada Hoose.

Dowlladaha ku bahoobay ururka IGAD iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa waxaa ay in mudo ah shir kula lahaayeen beelo  ka soo jeeda Gobolka Jubada Hoose iyo degaanada ku dhow dhow gudaha dalka Kenya kuwaas oo ay kala hadlayeen qaabkii loo soo dhisi lahaa  maamul gobolladeed iyadoo ilaa hadda la xulay xubnaha baar lamaanka uu ka koobnaan doono maamulka walow weli aan si rasmi ah loo shaacin.

Guud ahaan amaanka magaalada Kismaayo, ayaa aad loo adkeeyey, iyadoona inta wafdigu joogo ciidamo dheeraad ah lagu daadiyey goobaha iyo waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Kismaayo, maamul u samaynta Gobolka Jubada Hoose iyo Gedo ayaa ah arrinta ugu hadal haynta badan iyadoo  ay madaxda DFS ay ka biyo diidan tahay maamul u samaynta Gobolka Jubada Hoose oo dhawaan ka baxay gacan ku haynta ururka al-shabaab oo in mudo ah ka arriminayey.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online