Wafdi uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia oo gaaray Garoowe(Masawiro)

October 21, 2012 - Written by

Garoowe:-Wafdi uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michele Cervone ayaa saaka gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada  Puntland waxaana uu kulan la qaatay Madaxweynaha dowlada  Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole.

Wafdiga  safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha  Somalia Michele Cervone ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya madax barnaamijka EU-da ee kor u qaadida la dagaalanka Burcad badeeda Admiral Jacques Launay .

Kulanka uu Madaxweynaha Dowlada Puntland uu la qaatay Wafdi uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somalia Michele Cervone ayaa waxaa ku weheliyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen,Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajiir, wasiirka Cadaalada Dr.Cabdi Khaliif Xaaji Xasan Ajaayo ,taliyaasha Asluubta Booliska iyo Saraakiisha madaxtoyada iyo ciidanka Badda Puntland

no images were found

Kulanka maanta ka dhacay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay  la-dagaalanka burcad badeeda iyo saro u qaadida barnaamijka  cusub ee Midowga Yurub uu ugu talo galay arinkaas waxaana tababar la siin doonaa laamaha Garsoorka ,Booliska ,Asluubta iyo shaqaalaha wasaaradaha arimaha gudaha ,Cadaalada iyo Dekeddaha

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole oo la hadlay saxaafada ayaa u mahad celiyey wafdiga uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Soomaliya wuxuuna ugu baaqay in laga faa,ideysto tababarka la siin doono laamaha dowlada Puntland si looga hortago loona dagaalamo burcad badeeda

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
October 2012
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online