Banaanbax looga soo horjeedo DFS oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka J/hoose

November 9, 2012 - Written by

Afmadow:-Waxaa maanta salaadi jimcaha ka dib ka dhacay Degmada Dhoobley ee gobalka J/hoose Banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo siyaasada DFS ee ku aadan gobalada Jubooyinka waxaana banaanbaxa dhigayey dadweynaha ku dhaqan Dhoobley.

Dadweynaha Banaanbaxa dhigayey ayaa ku dhawaaqayey hadalo lid ku ah DFS waxyana ku baaqayeen in DFS ay ka deyso faraglin ay ku heyso gobalada Jubooyinka ayna soo dhaweyso Maamul Gobaleed looga dhawaaqi doono dhawaan gobalada Jubooyinka.

Mid ka mid ah Nabadoonada gobalka J/hoose ayaa sheegay in ay xaq u leeyihiin gobalada Jubooyinka in ay soo dhistaan maamul u gaar ah maadaama uu dastuurka DFS uu yahay mid federaal ah .ayna la mid noqdaan Maamulada dalka ka jira sida Puntland ,Somaliland iyo Galmudug.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo abaabulay Maamulka Degmada Dhoobley ee taageersan ciidamada DFS iyo kuwa Ururka Raaskambooni waxaana goobta ka hadlay gudoomiyaha degmada Dhoobleey Siyaad Boojis wuxuuna sheegay in banaanbaxa ay ku muujinayaa shucuurtooda ay ku diidan yihiin faragalin J/hoose.

Dadweynihii dhigayey Banaanbaxa ayaa sidoo kale soo dhaweeeyey qorshaha ay wadaan Maamulka ku meelgaarka ah ee Jubooyinka e haatan uu madaxa u yahay Sheekh Ahmed Madoobe iyo IGAD kaas oo Maamul Gobaleed loogu sameynayo gobalada Jubooyinka.

Waa Banaanbaxii ugu horeeyey ee looga soo horjeedo DFS ee ka dhacay Degmada Dhoobley ilaa iyo intii ay ciidamada huwanta ah ay ka saareen Ururka Al-Shabaab qeybo badan oo ka mid ah gobalka J/hoose.

Sidoo kale waxaa uu Banaanbax la mid ah kan ka  dhacay Degmada Dhoobley uu ka dhacay Afmadoow,  Badhaadhe, iyo Kaambooni

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online