Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo oo howlgalo ka sameeyey gudaha magaalada

November 17, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidamada amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa saaka howlgalo ka fuliyey xaafado ka mid ah magaalada Gaalkacyo waxaana ay howlgaladaas ku soo qabteen dhalinyaro looga shakisan yahay in ay ka mid yihiin Burcad badeed iyo Ururka Al-Shabaab waxaana ilaa haatan la qabtay in ka badan 10 qof.

Taliyaha qaybta booliska magaalada Gaalkacyo G/sare  Jaamac Maxamed Axmed ayaa sheegay in howlgalka ammaanka lagu xaqiijinayay ay saaka ku soo qabteen dhalinyaro lala xariirinayay falal amni-darro ah in ay ka wadeen gudaha magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa baryahaan ka nasatay dilalka loo geysan jiray  dadka waxtarka u ahaa magaalada  Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya Gaalkacyo ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dhalinyaradii saaka la qabtay dib loo sii daayey sida uu Halgan.net u xaqiijiyey ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online