Ciidamada Daraawiishta Puntland oo xalay howlgalo ka fuliyey magaalada Gaalkacyo

November 13, 2012 - Written by

Gaalkacyo:Ciidamada Daraawiishta ee Puntland oo ay weheliyaan kuwa Booliska magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa xalay howlgalo culus ka fuliyey dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo waxayna ciidamada gacanta ku soo dhigeen dhowr iyo toban qof oo looga shakisan yahay in ay amniga wax u dhimayeen.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee Puntland Muxyidiin Axmed Aw-Muuse ayaa saaka ka warbixiyey howlgaladii ay xalay ka fuliyeen ciidanka Puntland waqooyiga magaalada Gaalkacyo wuxuuna sheegay in ay soo qabteen dhowr iyo toban qof oo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab.

Muxyidiin Axmed Aw-Muuse Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska ee Puntland ayaa sheegay in ay howlgalada ay sii socon doonaan wuxuuna sheegay in ay ku howlgaleen xog ay dadweynaha ka heleen.

Magaalada Gaalkacayo ayaa saaka waxaa lagu arkayaa ciidamo badan oo taagan wadooyinka kuwaas oo joojinaya gawaarida ay ku xiran yihiin bacaha Madoow.

Madaxada dowlada Puntland ayaa labadii isbuuc ee la soo dhaafay waxay sheegeen in ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ay u soo guurayaan Puntland ka dib markii dhul badan ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DFS ay ka qabsadeen  Ururka Al-Shabaab qeylo dhaantaan ayaa la ogeyn in ay tahay mid run ah ama mid mashruuc lagu fushanayo.

M_M Deeq
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online