Ciidamada Jabuuti oo xabsiga dhiagy Gudoomiye kuxigeenka amniga ee gobolka Hiiraan

November 19, 2012 - Written by

Hiiraan:-Ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee haatan ku sugan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ee dhinaca amniga Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) ka dib markii uu gacan u qaaday gudoomiye ku xigeenka arimaha siyaasada ee maamulka gobolka Hiiraan.

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in uu dhaawac soo gaaray gudoomiye ku xigeenka arimaha siyaasada ee maamulka gobolka Hiiraan Cadaawe Cilmi ka dib markii uu u gacan qaday Axmed Inji.

Ciidamada dalka Jabuuti oo sugayey amniga kulan ay wada qaateen dhamaan masuulinta gobalka Hiiraan ayaa xabsiga dhigay Gudoomiye kuxigeenka gobolka Hiiraan ee dhanka amniga Axmed Cismaan Cabdalla (Axmed Inji) .

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi fataax Xasan Afrax oo saaka la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey shaqaaqada dhexmartay labada masuul ee ka tirsan gobalka Hiiraan wuxuuna sheegay in haatan uu xiran yahay Axmed Inji ayna socdaan dadaalo ay wadaan Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda gobalka Hiiraan si loo soo afmeero dhaqaaqada dhexmartay labada masuul.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online