Ciidamo gaaraya 600 oo tababar loogu soo xiray Degmada Xudur ee xarunta Bakool

November 12, 2012 - Written by

Baydhabo:-Saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa Itoobiya ayaa shalay  tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan DFS kuwaas oo mudo ka badan 3 bilood ay tababar siinayeen saraakiil ka tirsan dowlada Itoobiya waxaana ay gaarayeen ciidamada qaatay tababarka 600 askari.

Ciidamada loo soo xiray shalay tababarka ayaa waxay tababarka ku qaadanayeen degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool waxaana lagu wadaa in ay qeyb ka noqdaan ciidamada DFS iyo Itoobiya oo ka howlgala gobalka Bakool.

Waxaa goobta ka hadlay shalay guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macalin Axmed wuxuuna ugu baaqay ciidamada DFS in ay ka dhabeeyaan tababarka ay qaateen wuxuuna baaq u diray DFS isaga oo ugu baaqay in la soo taageero ciidamada shalay loo soo gabagabeeyay tababarka.

Ma aha markii ugu horeysay ay ciidamada Itoobiya tababar u fidiyaan ciidamo la rabo in ay ku biiraan DFS waxay bishii hore tababar u soo xireen ciidamo gaaraya 300 kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. wwxan la yaabanahay maalin kasta ciidan aya la so taba baraa meel aya ka baxeena la ma yaqaano xagee aadan ciidan ka la so tababaro
    mase waligeen amiso aya plice iyo military no ahaanaysa
    runti waa musiibo ku habsatay somaliya

Leave a comment

*