Codbixinta doorashooyinka golayaasha deegaanka oo ka bilaabtay S/lland

November 28, 2012 - Written by

Hargeysa:-Waxaa saaka dadweynaha ku nool gobollada S/lland ay u dareereen cod-bixinta doorashooyinka golayaasha deegaanka oo maanta si rasmi ah u bilaabatay Gobollada S/lland,  codbixnta ayaa saaka  07:00 ka bilaabtay  magaalada Hargeysa, Burco , Boorame ,Barbara  iyo degaano kale  waxaan golaha degaanka ku tartamaya ilaa 2 xisbi iyo 5 urur siyaasadeed.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ayaa saaka mar uu codeeyey waxaa uu saxaafada u sheegay in ay ku qanacsan yihiin natiijada ka soo baxda doorashooyinka Golaha degaanka , dad weynaha ayaa saaka la arkayey iyagoo ku jira safaf dhaadheer oo ay ku doonayaan in codkooda ay dhiibtaan.

Ilaa hadda ma jiraa wax shaqaaqo ah ama dhibaato ah oo laga soo sheegay goobaha kale duwan ee ay ka socdaan cod bixinta doorashooyinka Golaha degaanka S/lland oo iyadu noqonaysa codbixintii ugu horaysay oo dadweynuhu ku doortaan Golayaasha degaanka ee S/lland.

A/cawaale
halgan.net

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,817 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>