Culimada Dhimashadeeda waa ummada dhimashadeeda

November 11, 2012 - Written by

Ahmed Ibnu Namzaal, wuxuu yiri, Dhulku waa noolaadaa inta uu noolyahay caalimkiisu, markii caalim dhinto waxaa dhinta dhulka qayb ka mid, sida dhulku u noolaado marka roobku ku da’o, haduu diido roobkuna waa dhimataa” الْحَافِظ اِبْن عَسَاكِر فِي تَرْجَمَة أَحْمَد بْن عَبْد الْعَزِيز أَبِي الْقَاسِم الْمِصْرِيّ الْوَاعِظ سَكَنَ أَصْبَهَان حَدَّثَنَا أَبُو مُحَمَّد طَلْحَة بْن أَسَد الْمُرِّيّ بِدِمَشْقَ أَنْشَدَنَا أَبُو بَكْر الْآجُرِيّ بِمَكَّةَ قَالَ أَنْشَدَنَا أَحْمَد بْن نمزال لِنَفْسِهِ : الْأَرْض تَحْيَا إِذَا مَا عَاشَ عَالِمهَا مَتَى يَمُتْ عَالِم مِنْهَا يَمُتْ طَرَف كَالْأَرْضِ تَحْيَا إِذَا مَا الْغَيْث حَلَّ بِهَا وَإِنْ أَبَى عَادَ فِي أَكْنَافهَا التَّلَف Innaalillaahi wa innaa ilaahay raajicuun Anigoo ku hadlaya magaca Golaha Imaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika iyo maraakista islaamka ee Waqooyiga Maraykanka, waxaan tacsi u diraynaa ilmihii,  xaasaskii, qaaraabadii iyo muslimiinta reer Uganda gaar ahaan Markaska Towxiid geeridii ku timid Fadiilatu Sheekh. Cabdiwali Amiin oo ku geeriyooday masjidka towxiid ee uu asaasay Sh. abdiwali mudana uu ka ahaa Sheikh.

Waxaa isoo gaartay in Sheikhu geeriyooday isagoo darsi ku jira,waxaan Allah u weeydiinaynaa in uu ka waraabiyo jannadiisa kana dhigo mid ka istreexo adduunyada,dambigiisana dhaafo allana ka abaalmariyo khidmadii uu u soo qabtay islaamka,waxaan ka marqaati kacaynaa in uu ahaa qof wanaagsan.Waxaan leenahay innaalillaahi wa innaa ilaahay raajicuun allaahuma ajirenaa fii musiibatinaa wakhlufnaa khayran minhaa. Sh. cabdiwali waxaan ku niqiinay alla ka cabsi , iyo u adeegga ummadda muslinka ah,fidinta diinta islaamka,caqiido iyo manhaj toosan,muslim jacayl,cilmi iyo naxariis. ilaahay cidna uma amaanayo, waxaanse u rajaynaynaa khayr. ilaahow u danbi dhaaf una naxariiso.

1- Sh.Abdirahman Sh. Omar

2- Sh. Abdullahi Abul Fadli

3- Sh. Ahmed Nur Mo’alim

4- Sh. Yusuf Abdulle

5- Sh. Adan S. Abdullahi

6- Sh. Sh. Khadar Jama

7- Sh. Abdikhaliq Jama

8- Sh. Abdirisaq Xaashi

9- Sh. Nageeye

10- Sh. Mustafe Abdirahman

11- Sh. Abdirahman Nashvile

12- Sh. Mohamed Abdi

13- Sh. Abdullahi Ibrahim

14- Sh. Abdirisaq Sancaani

15- Sh. Maxbuub Abdullahi

16- Sh. Mohamed Mursal

17- Sh. Ali Moahmed

18- Sh. Ali Dhoof

19- Sh. Xasan dhooye

20- Sh. Nux Ciise

21- Sh. Mohamud Garyare

22- Sh. Macalin Barre

23 Sh. Salah Mohamud

24- Sh. Abdirashid Aabi

25- Sh. Mohamed Hambaase

 

Sh. Abdirahman Sh. Omar
burdhinle@yahoo.com

7 Comments so far

Leave a comment

  1. INAA LILAAHI WA INAA ILEYHIN RAAJICUUN RAXARIISTII JANO AYAAN ILAAHAY UGA BARYAYAA SHEEKHA FARDOWSATUL ALL ACLAA

  2. Allahu akbar.wuu liibaaney sheeqan maxaa yelay muslimintii oo dhan baa ka marqati kacay mida kale sheeqa cashar Riyadh salixin ayuu aqrinayay baa la yiri marks waxaan dhihi karaa geeridena iyo wanaagena allah kulmiyo anagoo diinka alle dartis wax u augments allah na dilo aamin.
    Allahuma rasukhnaa shahada disability yaa rabbi.

  3. Innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun , ma dhinte waa alle kaliya , waxaan allaah uga baryayaa Sheikh Abdiwali inuu jannatulfirdowsa ka waraabiyo qabrigana u nuuriyo. aamiin. waxaan kale oo allaah ka baryayaa in eheladii uu ka geeriyooday sida caruurtiisii iyo xaasaskiisaba allaah xifdiyo. aamiin aamin

    ABDIQAFAR YASIN

  4. A/C WALAALAHA MUSLIMIINTA MEEL KASTA AY JOOGAAN. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
    Sh. Cabdilwali Allaah ha unaxariisto, Jannatul firdowsana haka waraabiyo أمين
    Runtii wuxuu ahaa Shiikh caalim ah oo ay ummada muslimka ah kusoo hirato somali iyo ajaanibba. Waxaan Tacsi udiryaa dhammaan ehelkii iyo qaraabadii uu katagay Sheekheenii Sh. Cabdilwali.
    N.B walaal shiikha asagoo wado lugeenayo ayuu dhacay oo wuu socday, wadnaha ayaa xanuunay, ee kutub ma uusan marinaynin, cafwan. waa iga sixid insha allaah.

  5. Innaa lilaahi waa innaa ilaahi raajicuun.
    Allaha u naxariisto sheikha. jannadana allaha ka waraabiyo.Eheladii iyo qaraabadii katagayna samir iyo iimaan hakasiiyo. Aamiin.

  6. Asalamu C. w. w
    Innaa Lillahi waa innaa ilayhi raajicuun/// Shiikh Cabdiweli Ilaah hawnaxaristo. Wuxuu ahaa daaci udhexeeya umadda oo dhan oo fidinta dacwada aad uga qayb qaatay.. aad baan ugaranayaa naxariistii allah haka waraabiyo hana u dambi dhaafo Shiikha. Dulqaad dheeraada ayuu ulahaa cidkasta oo dacwada suuban fidinaysa.

    Masjidka Tawxiid wuxuu kusoo dhoweeyey culimo badan oo ducaad caana ah, runtii tiir latebi doono ayuu ahaa shikh Cabdiweli.

    Ilaahay haw dambi dhaafo, hana u naxariisto, samir iyi iimaanna hakasiiyo ehelkiisii iyo qaraabadii iyo ummadda soomaliyeedba gaar ahaan inta waxtarkiisa taqaanay. Ilaahow janadaada ugu raaxee aamiin .. aamiin

  7. Innaa lilaahi waa innaa ilaahi raajicuun.
    Alaha unaxariisto, sheekha eheladdii iyo asaxaabtii uu katagayna samir iyo iimaan hakasiiyo. Aamiin.

Leave a comment

*