Dib u dhac ku yimid in codka kalsoonida loo qaado xukuumada R/W Saacid

November 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid in maanta cod loo qaado xukuumada Raisulwasaaraha DFKM Saacid ,Xildhibaanada DFS ayaa markii ay yimaadeen saaka xarunta golaha shacabka waxaa uu gudoonka u sheegay in laga doodi doono qodobo xeer hoosaad ah kaas oo doodiisa horey u soo socotay.

Xogheynta Baarlamaanka DFS ayaa ku wargaliyey xildhibaanada DFS in aan maanta wax cod ah loo qaadi doonin xukuumada cusub ee R/W Saacid ilaa inta ay ka soo dhameystireyso xukuumada si loo waafajiyo dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.

Xukuumada Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa waxaa soo  wajahaya caqabad xoogan oo ka imaneysa qaar ka mid ah xildhibaanada DFS kuwaas oo ku doodaya in xukuumada Saacid aysan dhameystirneyn.

Banaanka xarunta Golasha Shacabka waxaa ka socda Banaanbax lagu dalbanayo in codka kalsoonida la siiyo Raisulwasaare Saacid waxaana soo qabanqaabiyey banaanaxa Gudoomiya gobalka Banaadir Tarsan .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

253,664 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>