Dowlada Ugandha oo ku goodisay in ay ciidamadeeda kala baxeyso Somalia iyo Congo
November 2, 2012 - Written by
Kampala:-Sida uu daabacay maanta wargeys ka soo baxa dalka Ugandha oo magaciisa la yiraahdo Newvision ayaa waxaa ay dowlada Ugandha ku goodisay in ay ciidamadeeda kala baxaysao wadamada Soomaaliya iyo Central African Republic and DR Congo ka dib markii qoraal ka soo baxay UN uu ku eedeeyey in dowlada Ugandha ay taageero siiso jabhada M23 oo dagaal kula jirta dowlada Congo.
Raisulwasaaraha dalka Ugandha Minister Amama Mbabazi ayaa bayaan uu ka hor akhriyey Baarlamaanka dalka Ugandha maanta waxaa uu ganafka ku dhuftay eedeynta loo soo jeediyey dowlada Ugandha waxaana uu ku tilmaamay qoraalka ka soo baxay UN-ka mid been abuur ah ,isaga oo ku eedeeyey in UN-ka uu indha ka laabtay howlgalada nabada lagu soo celinayo ay ciidamada Ugandha ka wadaan wadamada Soomaalia iyo Congo.
Wasiirka Amniga ee dowlada Ugandha ayaa sheegay in ciidamada Ugandha ay dagaal kula jiraan Ururka Al-Shabaab iyo Jabhada LRA wuxuuna ka horsheegay baarlamaanka Ugandha in dowladiisa aysan wax taageero ah siin jabhada M23.
Wasiirka arimaha dibada dalka Uganda Mr: Wilso Muruli ayaa sheegay in dawlada dalka Uganda ay la soo bixi doonto ciidamada dalkeeda ka Jooga dalalka Soomaia iyo Congo.Wasiirka ayaa maanta galinkii danbe waxaa uu kulan la qaatay Saraakiisha ciidamada dalka iyo Madaxweynaha Uganda Yuweri Kguto Musseveni kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay Madaxtooyada dalka Ugandha.
Qoraalka ay soo saartay UN-ka ee lagu eedeynayo dowlada Ugandha ayaa ku soo aaday xili dowladaha reer galbeedka ay sheegeen in ay ka fiirsanayaan dhaqaalaha ay siiyaan dowlada Ugandha.
A/Cawale
Halgan.net

.gif)

