Gaza oo uu wili ka socdoXasuuq iyo wasiir yahuudi ah oo baqdin gabanaya (Daawo)

November 20, 2012 - Written by

Gaza:-Waxaa wili ka socda Magaalada Gaza ee dalka Falastiin xasuuqii ay waday dowlada Yahuuda iyaga oo gantaalo iyo diyaarado dagaal ku duqeynaya shacabka Falastiin oo aan hubeysneyn kuwaas oo ku jawaabaya Gantaalo ay gacanta ku sameysteen duqeyntii u danbeysay saaka ayaa waxaa ku dhintay 4Falstiiniyiin ah .

Xoogga xaq u dirirka ah ee Ururka Xamaas iyo Jihaad Islaami iyo dhamaan kooxaha Falstiin ayaa awoodii isku geeyey iyaga oo baqdin iyo rucbi ku riday ciidan iyo dowlad sheegata in ay tahay dowladaha aduunka ugu itaal roon.

Ilaa intii uu bilaawday Xasuuqa ay wadaan ciidamada Yahuuda ayaa waxaa ku dhintay duqeyntii ay wadeen in ka badan 111qof waxaana ku dhaawacmay 89o sida uu wariye ka tirsan BBC ka soo xigtay xarumaha caafimaadka ee dalka Falastiin gaar ahaan magaalada Gaza.

Waxaa socda dadaal ay wadaan wadamo ka tirsan Yurub iyo dalal Islaam ah si loo joojiyo xasuuqa ay wadaan dowlada Yuhuuda balse Masuulka u sareeya Xafiiska Siyaasada ee Ururka Xamaas Khaalid Mushcal ayaa sheegay in aysan xabad joojin dhici doonin ilaa la fuliyo shuruudo ay wataan wuxuuna sheegay in Wasiirka Difaaca uu ka codsaday in xabad joojin la sameeyo.

Tv-ga dowlada Yahuuda ayaa sii daayey wasiir ka tirsan Xukuumada Yahuuda oo cabi darteed socon waayey oo meel ku gaban iyo xubin  ka tirsan Kaniisada Isra,il oo cabsi gabanaya hoos ka daawo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online