Guddoomiyaha gobolka Bari oo digniin u direy Cid kasta oo ammaanka wax u dhimeysa (Dhageyso)

November 8, 2012 - Written by

Boosaaso:-Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay amaanka guud ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka bari waxaana uu sheegay in amaanka gobalka uu aad u wanaagsan yahay wax weyna ay ka qabteen .

Gudoomiyaha Gobalka bari ayaa shalay saxaafada la hadalay ka dib markii uu soo idlaaday kulan ay nabadoonada iyo Cuqaasha gobalka Bari ay uga hadlayeen xoojinta amaanka gobalka bari iyo in laga hortago cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso gobalka .

Cabdisamad Maxamed Gallan Gudoomiyaha gobalka Bari ayaa ku goodiyay in la xiri doono, Sharcigana la horgeyn doono, lana Maxkamadeyn doono cid walba oo isku dayda in ay wax u dhinto amaanka gobalka bari iyo guud ahaan deegaanada Puntland .

Hadalka Gudoomiyaha gobalka Bari ayaa ku soo aaday xili xarig jiid siyaasadeed uu ka dhex bilaawday Maamulka Puntland oo uu horkacayo Madaxweyne Dr.C/raxmaan Faroole iyo Siyaasiyiin iyo wasiiro horey uga tirsanaa Maamuladii soo maray Puntland kuwaas oo haatan raba in ay boos ciriirsadaan iyaga oo gaashaan ka dhiganaya RW Cabdi weli Gaas.

Ciidanka Amaanka ee magaalada Boosaaso ayaa shalay xabsiga dhigay  Xoghayahii  Madaxweynihii hore Gen. Cadde Muuse, kaas oo laga ka xeystey xili uu ku sugnaa gobo ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Boosaaso.

Hoos ka Dhageyso Shirki Jaraa,id Ee uuu Boosaaso ku qabtay Gudoomiyaha gobalka Bari

[audio:https://halgan.net/Mp3/galan.mp3]
M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online