Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidii oo weerar lagu dili gaaray

November 24, 2012 - Written by

Leego:-Ciidamada Ururka Al-shabaab ayaa saaka weerar dhabagal ah ku qaaday Masuuliin ka tirsan DFS kuwaas oo ku sii jeeday deegaannada Leego iyo Yaaqbari-weyne waxaana ka mid ah masuulinta dirqiga uga badbaaday weerarka qorsheysan oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidi.

Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose, C/qaadir Maxamed Siidi ayaa weerarka ku dhaawacmay waxaana kolanyadii la socotay laga gubay gaari Tikniko ah oo ay wateen sida uu u sheegay idaacada VOA-da .

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaannada Leego iyo Yaaqbari-weyne oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose wuxuuna ahaa dagaal gaadmo ah o ay shabaab ku qaadeen gawaari kolonyo ah uu la socda C/qaadir Maxamed Siidii waxaana sidoo kale ku dhaawacmay askar ka tirsan DFS iyo Kuwa AMISOM.

Wafdiga uu hogaaminayey Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose C/qaadir Maxamed Siidii ayaa waxay u socdeen in ay soo dhexdhexaadiyaan laba beelood oo ku dagaalantay gobalka Sh/hoose waxaana wararkii ugu danbeeyey ay sheegayaan in wafdiga DFS ay soo gaareen   garoonka Balli-doogle .

Ilaaa haatan ma jiraan wax war ah oo ay warbaahinta u gudbiyeen  Afhayeenada Ururka Al-shabaab .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online