Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo geeriyooday

November 15, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa saaka ku dhintay magaalada Muqdisho guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) isagoo saaka ku geeriyooday Isbitaalka Xalane oo maalmihii u danbeeyey lagu daweynayey.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa inta uusan noqon Guddoomiyaha Gobolka banaadir waxaa uu maamuli jiray Magaalada Jowhar oo ay dowlladii ugu horaysay oo uu Madaxweyne ka ahaa Col.Cabdullaahi Yuusuf Axmed Ra’iisul wasaarena uu ka ahaa Prof.Cali Maxamed Geedi ay ka dhigteen Saldhig.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere ayaa lagu wadaa in isla maanta lagu aaso magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyadoo aaskiisa ay ka soo qayb gali doonaa masuuliyiin ka tirsan DFS iyo maamulka Gobolka banaadir

A/cawaale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,781 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>