Gudigii Farsamada Maamul usameynta gobalada Jubboyinka oo Kismaayo gaaray

November 10, 2012 - Written by

Kismaayo:-Waxaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose Guddi Farsamo oo ka socda ergooyin lagu wado in ay maamul gobaleed u sameeyaan gobollada Jubbooyinka waxaana gudiga weheliya wafdi iyo saraakiil ka socda Urur gobaleedka  IGAD.

Gudiga farsamo ee Maamulka u sameynaya gobalada Jubooyinka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Maamulka magaalada Kismaayo waxaana aad loo adkeeyey amaanka guud ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga ka socda Gudiga Farsamada ee Maamul usameynta gobalada Jubboyinka ayaa waxaa loo galbiyey xarunta Madaxtooyada ee magaalada Kismaayo waxaana ay wafdiga IGAD, gudiga farsamada ,iyo Maamulka J/Hoose ay ka wada hadli doonaan sidii uu u dhici lahaa shirka Maamul u sameynta gobalada Jubooyinka iyo Gedo shirkaas oo lagu qaban doono magaalada Kismaayo.

Cabdi Yare
Kismaayo

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ACW Soomaalaay fad ama hafadin waa lagu fadsini,,,Soomaaliya hadda waxaa loo diyaariyey in laga dhigo Imaarado yaryar sida Emaratka—waxna kama qaban kartid, waa idinkii burburiyay dowladdii dhexe ee Soomaaliya ,aarka Afrikana ahayd, ee fadlan Mudane madaxwayne waari mayside war hakaa haro…SOOMAALIYA DAGAAL SOKEEYE MARKALE HA U HORSEEDIN.

Leave a comment

*