Gudoomiyaha baarlamaanka oo sheegay in cod loo qaadi doono xukuumada Saacid 17 November

November 5, 2012 - Written by

Muqdisho:-Guddoomiyaha baarlamaanka JFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka codsaday R/W DFS  Cabdi Faarax Shirdoon in golihiisa wasiirada uu horkeeno baaralamaanka DFS si codka kalsoonida loogu qaado  ka hor 17-ka bishan November.

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFS  Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa shalay hadal kooban uu ka jeediyey munaasabadii uu R/W Saacid uu ku soo bandhigayey Liiska golihiisa wasiirada ayaa waxaa uu codsi u diray R/W DFS wuxuuna ku adkeeyey in xukuumada Raisulwasaare Shirdoon ay iska soo xaadiriyaan ka hor 17-ka bishan November  golaha baarlamaanka DFS .

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS ayaa ugu baaqay golaha wasiirada ee DFS in ay hadii la ansaxiyo ay noqdaan kuwa u shaqeeya dadka iyo dalka Soomaaliyeed ayna ka hormariyaan danahooda gaarka ah mid danta guud.

Qaar ka mid ah Xidhibaanada golaha Baarlamaanka ee DFS ayaa qeylo dhaan ka muujiyey wasiirada tirada yar ee uu soo magacaabay Raisulwasaaraha DFS  Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) balse waxaa la wada dhowrayaa mowqifka ay qaadan doonaan xildhibaanada DFS maalmaha soo socda.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online