Gudoomiyaha gobolka Mudug Tigey kuwii dilay Sh.Dr Axmed Xaaji Ehel iyo xigto nooma ah

November 10, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey iyo wafdi la socda ayaa waxaa ay mudo 3 maal mood ah ay ku sugnaayeen degmada Goldogob ee Gobolka Mudug, Wafdiga  uu horkacayey guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa waxaa ay ka qayb galeen  Xaflad loo sameeyey ciidamo ka tirsan dowllada Puntlland oo loogu tala galay in ay ilaaliyeen nabadgelyada amaanka Gobolka Mudug gaar ahaan degmada Goldogob.

Xaflada loo sameeyey ciidanka dowllada Puntlland ee degmada Goldogob ayaa waxaa ka hadlay Isimo, nabadoon iyo waxgarad iyadoo markii danbe uu hadal ka jeediyey Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey isagoo ciidanka ku booriyey in ay ilaaliyaan Xuduuddaha ayna isha ku hayaan kooxaha doonaya in ay kala dhantaalaan Nabadgelyada degaanada Puntlland gaar ahaan Gobolka Mudug

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey  ayaa xusay in kooxo ka tirsan ururka Al-shabaab oo ka yimid Koonfurta dalka Soomaaliya ay si dhuumaalaysi ay u soo galaan degmada Goldogob ka dibna ay uga soo talaabaan degaanada kale loona baahan yahay in laga digtoonaado oo ay ciidanku howshooda ka soo baxaan isagoo arrinkaas ku daray in degmada Goldogob ay difaac u tahay degaanka Xaafuun oo ilaa  1000 KM u jirta  iyo degaano kale oo badan.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey  ayaa xusay in kooxdii dishay Sheekh Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan aysan ehel iyo xigtooyo mid na lahayn sidaas darteena loo baahan yahay in si wada jir ah loola dagaalamo oo la iska celiyo si aysan hal doorka umada aysan u layn.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa waxaa uu ku amaanay bulshada reer Goldogob in ay caan ku yihiin in ay iska difaacaan cid walba oo ku soo xadgudbta sharaftooda iyo nabadgelyadooda loona baahana yahay  in dalka iyo dadka la difaaco.

Ugu danbayntii ayaa Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey ayaa waxaa uu sheegay in maamulkiisa ay la dagaalameen kuwa nabadiidka ah iyo burcad badeedka amaanka Gobolka Mudugna uu yahay mid wanaagsan.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online