H’ayada nabad sugida ee gobalka Banaadir oo sheegtay in hub iyo dhalinyaro ay qabteen

November 24, 2012 - Written by

Muqdisho:-H’ayada nabad sugida ee gobalka Banaadir ayaa maanta saxaafada u soo bandhigtay  dhalinyaro ah iyo hub ay sheegtay in ay ku soo qabatay howlgalo ay ka sameysay xalay iyo saaka degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafada  Cali turcaaye ee gobalka Banaadir.

Taliyaha ha’ayada nabad sugida  ee gobolka Banaadir Col.Khaliif Axmad Ereg oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in baaritaano iyo howlgalo ay ka sameeyeen saacadihii la soo dhaafay xaafada Cali turcaaye ee degmada Yaaqshiid ay gacanta ku soo dhigeen hub iyo dhalinyaro ka tirsan Ururka Al-Shabaab kuwaas oo ka howlgali jiray magaalada Muqdisho.

Col.Khaliif Axmad Ereg ayaa sheegay in ay heleen xog in guri ku yaal xaafada Cali turcaaye  ee Degmada Yaaqshiid ay hub ku duugteen dhalinyaro ka tirsan Al-Shabaab sidaas darteed ay ciidanka DFS iyo kuwa nabad sugida ee gobalka Banaadir ay soo qabteen hubkii iyo dhalinyaradiiba.

Howlgalada ay ciidamada DFS iyo kuwa ha’ayada nabad sugida  ee gobolka Banaadir ay ka fuliyaan xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka cabanay dadweynaha ku dhaqan xaafadahaas iyaga oo ku eedeynaya in ay iska xirtaan dhalinyaro aan ka tirsaneyn ururka Al-Shabaab iyada oo markii danbe lagu lagu soo daayo lacag.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online