Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo si weyn loogu soo dhaweeyey Gaalkacyo(Masawiro)

November 28, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo ka mid ah Isimada ugu culus ee Puntland ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana ku soo dhaweeyey garoonka Diyaaradaha ee C/laahi Yuusuf Ahmed    Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey), Gudoomiye xigeenka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur,  Nabaddoono, Isimo Waxgarad, Siyaasiyiin, Aqoonyahan,  iyo dadweyne aad u tiro badan.

Islaan Bashiir islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa mudo ku dhow 3bilood waxaa uu socdaal ugu maqnaa dalka isaga oo socdaal ku tagay dalalka Masar ,Kenya ,iyo dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo kulamo kula qaatay jaaliyada Puntland ee ku nool dalalkaas.

no images were found

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax ayaa markii uu maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo aan wax war ah siin saxaafada waxaana uu si toos ah u tagay Guriga uu ka degan yahay magaalada Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online