Kulan looga hadlay amaanka Gobolka Karkaar iyo soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland oo Qardho ka dhacay
November 14, 2012 - Written byQardho:-Kulan balaaran oo looga hadlayey amaanka gobalka Karkaar ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Qardho waxaana kulanka ka soo qeyb galay wasiiro ka tirsan dowlladda Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan, Wasiirka Deegaanka iyo duurjoogta C/qani Yuusuf Cade, wasiirudowlaha Sharciga ee madaxtooyad Puntland Col.Yuusuf Ahmed Khayr iyo gudoomiyaha Gobolka Karkaar Cabdi Quraan Maxamed Aadan.
Kulanka ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galay Cuqaal iyo Nabadoono si weyn looga yaqaan gobalka Karkaar waxaana kulanka diirada lagu saaray xoojinta amaanka gobalka iyo sidii loogu faro adeygi lahaa Nabadgelyada ka jirta Gobalka Karkaar. Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka maanta ay wada qaateen wasiiro ka tirsan Puntland iyo Cuqaasha iyo waxgaradka Qardho waxaa uu la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha nabadgelyada iyo amniga gobalka Karkaar iyo sidii loo xoojin lahaa wuxuuna sheegay in dhamaan la isla qaatay arinkaas.
Wasiirka Amniga Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in kulanka galabta ka dhacay Qardho sidoo kale looga hadlay diyaargarow iyo soo dhaweynta Madaxweynaha Puntland oo maalinta birito ah lagu wado in uu soo gaaro magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar.
Halgan.net ayaa caawa xiriir la sameysay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar waxaana ay la hadlnay ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Degmada Qardho isaga oo noo xaqiijiyey in Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole la filayo in uu maalinta birito ah uu soo gaari doono Magaalada Qardho.
M_M Deeq
Halgan.net