Madaxweynaha DFS iyo R/W Ethiopia oo Shir jaraa,id ku qabtay Adis-Ababa (Dhageyso)

November 28, 2012 - Written by

Addis Ababa:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul-wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn ayaa caawa si wada jir ah waxay Shir Jaraa,id ugu qabteen xarunta Madaxtooyada dalka Itoobiya waxayna ka hadleen arimo kala duwan oo ay ka mid tahay joogida ciidamada Itoobiya ,Federaaliisimka iyo Maamul usameynta gobalada Jubooyinka,amniga iyo arimo kale .

Ra’iisal wasaaraha dalka  Ethiopia Hailemariam Desalegn ayaa sheegay ciidamada dalkiisa ay sii joogi doonaan Soomaaliya illaa inta ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ay la wareegayaan goobaha ay dalka uga sugan yihiin Al-Shabaab .

Madaxweynaha DFS ayaa sheegay in dowladiisa ay Masuul ka tahay Maamul u sameysnta gobalada dalka wuxuuna sheegay in loo dhisi doono Maamul federaal ah balse wuxuu sheegay in ay caqabad ka heysato dhinaca sharciga Federaalka

Hoos ka Dhageyso Shirkii Jaraa,id ay caawa wada qabteen Madaxweynaha DFS iyo R/W Itoobiya Hailemariam Desalegn

[audio:https://halgan.net/Mp3/shir.mp3]

A/Cawale
Halgan.net

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,812 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>