Madaxweynaha DFS oo qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Switzerland

November 1, 2012 - Written by

Mogadishu:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sh.Maxamuud  ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Dowladda Switzerland oo ay hogaami nayeen Safiirka iyo Xoghayaha Koowaad ee dalka Swiss u qaabilsan Dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdiga ayaa ka wada hadlay xiriirka labadda dalka iyo sidii Dowladda Switzerland uga qayb qaadan lahayd  xasilinta dalka, dib u dhiska  iyo Horumarinta.

Safiirka Dowladda Swiss  ee dalka Soomaaliya ayaa u  sheegay Madaxweynaha in markii hore Soomaaliya ay ka caawin jireen  dhanka beni’adamnimadda hayeeshee haatan wixii ka dambeeya  qorshoodu ballaarin doonaan isla markaana Dowladdda Soomaaliya ay ka taageeri doonaan siyaasadda, dib u dhiska goboladda dalka iyo dib u habeeynta  Nidaamka Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.

Ugu dambeeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedraalka Soomaaliya ayaa ka gudoomay Safiirka warqad hambalyo  ah oo ay u soo dirtay Madaxweynaha  Swiss Eveline Widmer  Schlump isagoona aad iyo aad uga mahad celiyey.

 –  Dhamaad –

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Moqdishu, Somalia,
media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online