Madaxweynaha DFS oo Shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho kana hadlay arimo kala duwan(Dhageyso)

November 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa waxaa uu shir jaraa,id ku qabtay xarunta Villa Soomaaaliya ee magaalada Muqdisho wuxuuna madaxweynaha ka hadlay arimo ay ka mid yihiin mowqifka dowladdiisa ee ku aadan maamul u samaynta gobollada dalka, gaar ahaan gobollada Jubbooyinka.

Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladiisa aysan qasab iyo jajuub aysan ku sameyn doonin dhamaan maamul u sameynta dalka laga bilaabo heer degmo iyo mid Maamul gobaleed wuxuuna hoosta ka xariiqay in dowladiisa ay u gacan baneyn doonto shacabka in ay maamuladooda soo sameystaan.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed in aysan dib u hurin colaad iyo in ay fitno dhex dhigaan dad Soomaaliyeed wuxuuna balan qaaday in dowladiisa ay taageeri doonto shacabka in ay maamul ay raali ka yihiin soo dhistaan .

Madaxweynaha JFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaaa kale oo uu ka hadlay  qorshaha maareynta maaliyadda dalka iyo waliba la dagaallanka musuq-maasuqa baahsan ee la degay dowladii ka horeysay oo uu madaxweyne ka ahaa Sheekh Shariif Sheekh Ahmed.

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa uu ka hadlay sidoo kale dhuxusha dhooban gobalka J/hoose wuxuuna sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay xal laga gaaro dhuxusha .

Hoos ka Dhageyso Hadalka Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxmuud .
[audio:http://halgan.net/Mp3/xasan.MP3] ama Halkan

Leave a comment

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online