Madaxweynaha JFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Midowga Yurub

November 3, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalaka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Midoowga Yurub ee uu hogaaminayey Safiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mechealle  Cervone.

Kulanka ka dib ayaa waxaa saxafaadda  xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya kula hadlay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka iyagoona ka warbixiyey waxyaalahii ay ka wada hadleen.

Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya ayaa yiri”Midoowga Yurub waxa u ansaxiyey Soomaaliya 2012-da kaalmo dhan 158 Milyan oo lacagta Midoowga Yurub ah, Tani waxa ay ka dhalatay dib u eegis lagu sameeyey mudada  dhexe, oo kordhisay lacagtii loogu talalagalay Horumarinta Soomaaliya ,212 Milyan oo la gaarsiiyey 412 Milyan oo  lacagta Midoowga Yurub ah” waxa uuna hadalkiisa raaciyey in Midoowga Yurub ahaan doono deeq bixiyaha ugu weyn.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa   aad uga  mahad celiyey  kordhinta deeqaha Midoowga Yurub siiyaan Soomaaliya isagoona tilmaamay in  kaalamada Midoowga Yurub mar walba muuqtay.

no images were found

“Aad iyo aad ayey arrinta  farxad u leedahay kordhinta deeqaha Midoowga Yurub ee Soomaaliya , Dowladda cusub ee Soomaaliya waxa ay waayadaan dambe ka codsaneysay caalamka in wax laga beddelo macaamilkii Dowladdahii naga horeeyey, caalamkuna toos ula macaamilo Dowladda cusub ee Soomaaliya taasi ayaa micno sameeyneeysa” ayuu yiri Madaxweynahu oo hadalkiisa ku soo  gabagabeeyey in  tani ay tahay wado cusub oo haatan bilaabatay.

 

                                                         –  Dhamaad –

Agaasinka Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online