Madaxweynaha JFS oo si weyn loogu soo dhaweeyey Jabuuti(Warsaxaafadeed)

November 26, 2012 - Written by

Jabuuti:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maantay gaaray caasimadda dalka Jabuuti, safarka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehliya, Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Maxamuud Xaaji  Fiqi, Xildhibaan  Faarax Sheekh  Cabdulqaadir ahna Lataliyaha Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan.

Madaxweynaha dalka  Jabuuti Ismaaciil Cumar  Geele,  Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Wasiiro iyo masuuliyiin kale oo Dowladda Jabuuti ka tirsan ayaa garoonka ku soo dhoweyey Madaxweyne Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Madaxweynuhu waxa uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamadda Band Music (Baambeey) Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa loo soo gelbiyey Xarunta Madaxtooyadda dalka Jabuuti, wuxuuna halkaas kulan kula qaatay dhigiisa  Jabuuti Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle.

no images were found

Kulanka kadib, shir jaraa’id oo ay wada qabteen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jabuuti. Waxa ay shirkooda jaraa’id ku sheegeen inay ka wada hadleen xaaladda labadda dalka, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu warxibin  ka siiyey dhigiisa Jabuuti Ciidamadda Jabuuti ee qaybta ka ah kuwa Amisom ee jooga Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in booqshadu tahay tii ugu horeysay oo rasmi ah ee  uu ku tago meel ka baxsan Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynahu safarkiisa ugu sii tallaabi doonaa dalka Itoobiya.

Shador Haji

Press Officer Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online