Wararkii Ugu danbeeyey oo naga soo gaaraya Qardho ee xarunta gobalka Karkaar

November 23, 2012 - Written by

Qardho:-Madaxweynaha Dowlada Puntland iyo wafdi uu horkacayo ayaa soo gaaray saaka magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar wuxuuna  kulamo kula leeyahay magaalada Qardho waxgaradka iyo masuuliinta Dowlada ee Gobolka Karkaar.

Madaxweyna Dowlada Puntland ayaa inta uusan soo gaarin Degmada Qardho waxaa ciidamada amaanka isku dhaceen dhalin yaro iyo dumar banaanbax dhigayey kuwaas oo diidan in sanad uu ku darsado Madaxweyne Faroole waxayna ku qeylinayeen erayo lid ku ah madaxada Puntland

Ciidamada Amaanka Degmada Qardho iyo kuwa Madaxtooyada Puntland ayaa rasaas ku riday dhalinyarada iyo dumarka banaanbaxa dhigayey iyaga oo kala ceyriyey waxaa warar hordhac ah oo soo gaaray Halgan.net ay sheegaya in gabar ay ku dhimatay laba dhalinyaro ahna uu soo gaaray dhaawac midkoodna uu dhaawaciisa aad u liito  .

Dhanka kale Dadweyne taageersan Madaxweynaha Puntland ayaa gawaari waaraad ah ku dhexwatay magaalada iyaga oo ku qeylinayey erayo ay ku soo dhaweynayaan Madaxweynaha C/raxmaan Faroole  iyo xisbigiisa Horseed sida uu na soo gaarsiiyey wariye madaxbanaan oo ku sugan Degmada Qardho.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa ka hor inta uusan gaarin Degmada Qardho waxa uu ku sii hakadey Degmada Dangaroyo halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyay, wuxuuna hadal kooban u jeediyey dadweynihii soo dhaweeyay .

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa  haatan ku sugan magaalada Qardho waxaana degan xaalada magaalada warar ayaa sheegaya in wafdiga madaxweynaha ay joogi doonaan laba maalmood Qardho ka dibna ay u sii gudbi doonaan magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

wixii soo kordha dhawaan kala soco Halgan.net hadii alle idmo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online