Mas’uuliyiinta Masaajidka Al-Hudaa ee dalka Finland oo si adag uga jawaabay Filim lagu durayo diinta Islaamka iyo Soomaalida.

November 25, 2012 - Written by

Maalinimadii isniinta oo ay taariikhdu ahayd 19.11.2012 ayaa kanaalka koowaad ee Tv-ga dalkan finland waxaa laga sii daayay barnaamij lagu ceebeynayo diinta islaamka iyo Soomaalida. Barnaamijkaas oo si toos ah loogu weerarayay markazka islaamiga ah ee ugu wayn dalkan Finland ee Helsinki Islamic Center (Masjid Alhudaa) iyo ururka ku hadla magaca danaha Soomaaliyeed ee la yiraahdo Somaliliitto, ayaa waxyaabihii lagu bilaabay barnaamijka waxaa ay ahayd qof tukanaya iyo gabar xijaaban.

La yaab ma leh in barnaamij lagu caynayo islaamka laga sii daayo telefishinada reer galbeedka, balse waxaa dadweynaha Soomaaliyeed ka yaabisay in dadka barnaamijka jilayay amaba soo diyaariyay ay ahaayeen dad sheeganaya in ay yihiin Soomaali haysata dhalashada Finishka, kana welwelsan in xagjirnimada iyo asalraacnimada Islaamku (waa sida ay hadalka u dhigeene) ay ku soo badanayso dalkan Finland.. Dadkaas oo qaarkood la yaqaano , qaarna ay qarsoon yihiin ayaa waxay isku magacaabeen in ay yihiin ” Active Group “. ka welwelsan xaaladda amaanka ee dalkan Finland oo sida ay sheeganayaan ay joogaan dad khatar ku ah arinkaas. Nin ragaas ka mid ah oo wajiga loo qariyay codkana loo bedelay ayaa inta la soo fariisiyay istuudiyaha wuxuu ka markhaati kacay in Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan dalkan Finland ay yihiin kuwo duf ku baxay oo aan nolosha addun iyo mid aakhiro toona ku fiicnayn. Wuxuuna sheegay ninkaasi in haddii uu wajigiisa muujiyo uu ka baqayo in kooxdaasi asal raaca ahi ay dilaan.

Barnaamijku muxuu faa’iideeyay , sideese u arkeen dadka ku dhaqan wadankan?

Dadka ku dhaqa wadankan , qaybta dowladda iyo dadka wax garadka ahi waxay u arkeen inuu ahaa barnaamij cadaaladda ka fog oo loogu talagalay in lagu ceebeeyo islaamka iyo Soomaalida. Qaarkood waxay sheegeen inuu ahaa wax xaqiiqda ka fog waayo 30 daqiiqo ayuu soconayay, waxaana lagu sheegay cay iyo aflagaadooyin aan lagu soo koobi karin muddo yar. Wuxuu barnaamijku ku bilowday qof tukanaya iyo gabar xijaaban, labadaasina ma ahan bay dhaheen qaarkood wax xagjirnimo ah ee waa asaaska islaamka.

Waxaa barnaamijka ka faa’iidaystay kooxaha mabda’a cunsuriyada taageersan oo horeba kaga dhawaaqay in Soomaalida laga saaro wadanka. Kooxahaasi fikrada ajnabi nacaybka qabaana waa isugu mid kuwa soo diyaariyay barnaamijkan iyo Soomaalidii kale ee lagu caynayay barnaamijkaba.

Haddaba markazka Alhudaa ayaa gacanta ku dhigay dokumitni sir ah oo kooxdaasi ay diyaarisay sanadkii 2010ka loona qaybiyay dhammaan wasaaradaha dalkan Finland, islamarkaana ka gadmi waayay dalkan gudihiisa, waayo dalkan Finland waa dal ay cadaaladu ka shaqayso oo wax cad mooyaane aan cidna wax laga beenabuurto lagula dhaqmayn.

Waa kan jawaabtii uu markazku ka bixiyay arimahaas lagu sheegay barnaamijkaas Tv-ga laga sii daayay, iyo ujeedada kooxdaasi soomalida sheeganaysa waxa ay tahay, goorta ay bilaabeen howsha iyo sida ay filimkan u jileenba.

Hoos ka Daawo warbixinta Masjidka iyo qaabkii ay uga hadleen been abuurka laga faafiyey Masjidka iyo Soomaalida

Waxaa soo diyaariyay Abdirazak Sugulle Mohamed

abdirazaks@hotmail.com

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. subxaana allah,Xasbiyalaahu wa nicmal wakiil waxaan weeraraya baydka alle waa cadahay waa munaafiqiin iyo gaalo uu ku shaqaysanaayo shaydaan naclad haku dhacdo ilaa yawmidiin waa cadawgeena waan in aan meel uga soo wada jeensano Islaam ahaan iyo somalinimo ahaan intaba, ilaahay waxaan uga baryayaa culimada islamka in uu xafido meel kasto ay joogaan ayaa mahaan waxaa soo danbaysiiyeen in anagii la isku keen adeegsado si loo jaa i feeyo diinteena,sharafteena iyo cirdigeena intaba.Diinteenu waa XAQ,nuur,iftiin,naxariis iyo naseexo. INA DIINUL CINDALAAHIL ISLAAM alxamdulilaah xamdan kathiiran dayiban

  2. Cirdigayga waa idiin baan yahay balse diinta Islaamka waan difaacin.

    Waxaan orankaraa waa hadakii iigu qiima badnaa ee dhegahaygu maqlaan, kana soo baxay qalbi daacada ah iyo maskax diini harsaneyso, waxaan walaalha Allaah idiin weydiin awalan in uu idin sugo, idinkana abaal barsho dadaalka aad ugu jirtaan difaaca diinta Ale iyo cirdiga muslimiinta waxaan wada dareensan nahay in dulmigu diinta lagu hayaa uu soconaayo ilaa shaydaan diyaariyo dad naarta u noqda ehel, waxaana farxad ah balan qaadkii Rabi ee ahaa in uusan daycayn cid isaga ku xiran, waxaan walaalha uga mahad celin aniga oo dareensan duruufaha yaala wadamadaan sida ay ugu heelan yihiin baadbaadinta bulshada iyo dhamaan ku dhaqanka diinta Islaamka waxaa hubaal ah in baadil iyo xaq meel ku wada doodo karin haday dhacdona in xaqu sareeyo waa wax aynu wada ognahay kana barnay kitaabka Ale iyo sunada,waxii intixaan ah cida u qalanta ayaa Ale imtixamaan waxaan Ale idiinka baryin kuwii intixaankaas ku baasa in uu idinka yeelo, waxaa damiir xumo ah qof Islaam Ale ka dhigay oo hadana ka qaawan waxaa kaloo ayaan daro ku dhacday kuwa door biday in ay indhaha ka turaan halkii imaanka laga soo jadiidinaayay jaaliyaduna ku soo hiranaysan, waxaan u sheegin haday wax akhriyaan in ay Ale u toobad kenaaana kana dhowrsadaan wax aysan anfaca ka helayn ilaa ciqaab Ale iyo cadaab akhiro moyee.

Leave a comment

*