Nabdoonada Beesha Leelkase oo baaq u diray Puntland iyo Ehelada ragii dilay Sh.Dr.Ahmed Xaji(Dhageyso)

November 5, 2012 - Written by Editor

Gaalkacyo :-Nabadoono iyo Cuqaal ka soo jeeda Beesha leelkase oo kulan ku yeesha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa baaq u diray beelaha ay ka soo jeedaan gacan ku dhiiglayaashii dilay iyo kuwii soo abaabulay dilkii Sheekh Dr Axmed Xaji C/raxmaan allaha u naxariistee oo lagu dilay magaalada Boosaaso 5.12 2011. Isimada iyo waxgaradka Beesha leelkase ayaa sheegay in ay aad u soo dhaweynayaan natiijadii ka soo baxday baaritaankii gudiga madaxa banaan oo ay beeshu u wakiilatay in ay soo baaraan cidii ka danbeysay dilkii foosha xumaa ee loo geystay allaha u naxariistee Sheekh Dr Axmed Xaaji C/raxmaan .

Nabadoon Maxamed Cilmi Cumar oo ka mid ah nabadoonada magaalada Gaalkacyo kana soo jeeda Beesha leelkase ayaa sheegay in ay taageersan yihiin Bayaankii Beesha leelkase ay ka soo saartay magaalada Gaalkacyo 31.12.2011 wuxuuna ugu baaqay cid walba oo arinka dilka ku lug leh in eheladooda ay soo waafajiyaan shareecada Islaamka ayna soo gacan galiyaan inta dhiman  wuxuuna si gaar ah uga dalbaday beelaha ay ka soo jeedaan ragga dilka sida tooska u geystay in ay soo gacan galiyaan madaama aan nahay buu yiri dad ehel ah oo wada dhashay.

Nabadoon Maxamed Cilmi Cumar ayaa sheegay in Beesha leelkase ay mudo dhan hal sano ay sabrayeen si loo soo baaro loona cadeeyo kuwa dilka u geystay Sheekh Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan raximahulaah si aysan iskugu dhicin dadka ehelka ah wuxuuna sheegay in alle uu soo saaray kuwii dilay Sh.Dr Axmed Xaaji C/raxmaan raximahulaah.

[audio:http://halgan.net/Mp3/Nabadon_Maxamed.mp3]

Cheif Caaqil Cali Maxamed Axmed oo ka mid ah Cuqaasha Beesha Leelkase ayaa isna waxaa uu hoosta ka xariiqay in beesha ay ku qanacsan tahay howshii ay soo qabteen gudiga baarista ee madaxa banaanaa wuxuuna sheegay in ay beeshu ku dhan tahay Bayaanka ay beeshu ka soo saartay magaalada Gaalkacyo .

Caaqil Cali Maxamed Ahmed ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhagarqabayaashii dilay Sheekh Dr Axmed raximahulaah gacanta lagu hayo wuxuuna u mahad celiyey Madaxweynaha Puntland wuxuuna ka dalbaday DFS iyo Puntland in la soo qabto kuwa dhiman iyo in maxkamad cadaalad ah la soo taago kuwa haatan gacanta lagu hayo lagana soo qeyb galiyo maxkamada Isimada iyo Nabadoonada Beesha leelkase.

[audio:http://halgan.net/Mp3/Caaqil_Cali Maxamed.mp3]

Nabadoon Xaaji Maxamuud Ibraahim (Cagmadhige ) ayaa isana goobta ka hadlay wuxuuna ka hadlay qiimaha iyo wasniga uu ku lahaa Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan allaha u naxariistee guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana Puntland wuxuuna sheegay in baarista dilka Dr Ahmed Xaji raximahulaah ay ka qeyb qaateen dad aad u badan wuxuuna sheegay in baarista ay ahayd mid lagu kalsoon yahay .

Nabadoon Xaji Maxamuud Ibraahim (Cagmadhige ) ayaa wuxuu sheegay in umada Soomaaliyeed ay tahay Islaam wuxuuna baaq gaar ah u jeedshay ehelada ragii dilay Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan Raximahulaah wuxuuna ugu baaqay in alle ay ugu dhawaadaan soo qaba shada iyo soo gacan galinta dhagarqabayaasha si ay ku kala badbaadaan dadka ehelka ah ee walaalaha ah wuxuuna xusay in qaarkood la yaqaan halka ay ku sugan yihiin.

[audio:http://halgan.net/Mp3/Xaji_Maxamuud.mp3]

Bayaankii Beesha Leelkase ay ka soo saareen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug Halkan ka Akhriso

Gudiga madaxbanaan ee gacanta ku hayey baarista cida dishay Sheekh Dr Ahmed xaji C/raxmaan Raximahulaah ayaa soo dhigay mareegaha Internetka masawiro iyo Muuqaal ay ka soo muuqdeen qaar ka mid ah rag loo heysto dilka Sheekh Dr Ahmed Xaji C/raxmaan raximahulaah hadaba waxaa la wada dhowrayaa baaqa ka soo baxay Nabadoonada iyo Cuqaasha beesha leelkase sida uu u miro dhalo.

Cabdifitaax Cali
Halgan.net
Gaalkacyo

Leave a comment

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online