Qarax saaka ka dhacay xaafada xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

November 6, 2012 - Written by

Nairobi:-Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay xaafada ay ku badan yihiin Soomaalida ee Islii waxaana sida ay sheegayaan warar hordhac ah ku dhaawacmay qaraxa ilaa Saddex qof .

Ciidanka Booliska ee Magaalada Nairobi ayaa isku gadaamay goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana kala cararay dhamaan dadkii ku dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay iyaga oo ka baqanaya in ay ciidamada Kenya waxyeelo u geystaan.

Taliyaha ciidanka Booliska ee magaalada Nairobi Moses Ombati ayaa u sheegay TV NTV in uu qarax ka dhacay xaafada Islii ayna haatan baarayaan wuxuuna diiday in uu wax faahfaahin ah ka bixiyo.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

267,812 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>