Qaraxyo ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose

November 25, 2012 - Written by

Kismaayo:-Laba qarax oo kala duwan ayaa maanta waxay ka dhaceen magaalada Kismaayo xarunta gobolka J/hoose.Qaraxa hore ayaa waxa uu ka dhacay afaafka hore ee xarunta degmada Kismaayo, waxaana uu qaraxu ka dhashay miino dhulka lagu aasay taasoo meel durugsan laga hagayey, waxaana ilaa iyo hadda la xaqiijiyey dhimashada laba haween ah, dhaawacyo intaas ka badanna waa jiraan, walow warku uu weli isa soo tarayo.

Qaraxa kale ayaa waxa uu ka dhacay Aargada labaad ee  magaalada, waxaana noociisu ahaa bam gacanta laga tuuray, kaasoo geystay dhaawacyo kala duwan oo dad rayid ah ay ku jiraan Askarna waa la sheegayaa inay dhaawacyada ka mid yihiin.

Ciidamada Xulufada ah, ayaa howlgallo ay sameeyeen ku soo qabqabtay dad dhalinyaro u badan, iyadoona albaabada loo laabay meheradaha ku yaala nawaaxiga halka qaraxyadu ka dhaceen, ilaa iyo haddana maamulka kumeel gaarka ah kama hadlin sida wax u dhaceen.

Magaalada Kismaayo, ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa banaanka ka joogay dagaalyahannada xarakada Al-Shabaab, ka dib markii ay magaalada la wareegeen ciidamo Soomaali iyo Kenyaan isugu jira oo is xulufeysanaya, waxaana xiligaas gudohood ka dhacay qaraxyo dhowr ah iyo dilal qorsheysan, walow xiliyadii dambe magaaladu xoogaa xasilooneyd.

Somalireal

Leave a comment

*

Archives
November 2012
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
2627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online