Sheekh Cabdi weli C/laahi Aamin oo maanta ku geeriyooday magaalada Kampala ee dalka Ugandha

November 11, 2012 - Written by

Kampala:-Waxaa maanta 12kii duhurnimo ku geeriyooday alaha u naxariistee Kampla Sheekh Cabdi weli C/laahi  oo ahaa Sheekh si weyn looga yaqaanay Soomaaliya iyo Bariga Afrika Sheekh ayaa waxaa uu duruus kale duwan ka bixin jiray  Masjidka Al.Tawxiid ee Magaalada Kampala.

Sheekh Cabdi weli C/laahi ayaa waxaa uu ahaa daaci kheyr badan si weyna ugu hagar baxay Faafinta Dacwada Salafiga waxaana uu gacanta ku hayey Masjidka Al-Tawxiid ee magaalada Kampla

Maamulka iyo Dhamaan wariyaasha Halgan.net ayaa si gaar ah waxay tacsi ugu dirayaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh Cabdi weli C/laahi waxaana alle uga baryeynaa in uu janatul fardoow geeyo aaaaaaaaaaamiin

Halgan.net
Kampala

35 Comments so far

Leave a comment

  1. Inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajucuun.
    ”Lilaahi maa acdaa wamaa akhad”.
    ”Indhuhu waa ooyayaan qalbiguna waa murugoonayaa waxaan ilaah raali ka ahayna oranmeeyno”
    Alaah waxaan uga baryayaa Sheekh C/weli in uu janadii ferdowsa geeyo
    in uu jirkiisa naar ka dheereeyo ka xarimo in dhamaan eheladiisii awlaadiisii, iyo aqrabadiisiiba uu xifdiyo aduun iyo aakhiroba bedeil khayqabana uu siiyo.

    Ilaahoow sh. cabdi weli in yar ayaan aqaaney khayr badana waa ku aqaaney dadkuna khayr badan ayey ka sheeganayaan adigaana adoonkaaga nooga aqoon iyo ogaal badan oo kuu amaani meyno waxaanse kaaga baryeynaa in aad raxmadaada waasica ah oo ku dabooshid oo aad janadii fardawsa degaan uga dhigtid

  2. waxa uu ahaay abul masaakin waxaa garanaya kuwa bahan kuwa tahriibta ahaay kuwa ku dhibaataysan gudaha uganda waxa ala gu xasuustaa sadaqa aruurintii saladaha ka bacdi iyo hadalkii ahaay kafaalo qadka carurta aan walidka haysan oo ah ugandeska iyo weliba somalida yaa allah abdi weli xaqena wana siiyay xaqiisa sii una siyadi waxa uu ahaay wadad khayr badan anaga hana fidnaynin firdowsatul acalaaa marti qaaad allah uga dhigo sida uu u marqiqaadi jiray kuwa bahan amin amin main

  3. inaa lilaah wa ina ailayhi raajicuun sheikh abdi weli allah u naxariisto waan aqaanaay waxa uu ahaa wadad allah ka baqa dadka masaakinta hna u naxariista faafiyana diinta islamka aadna u sadaqa badan ddakan ku booriyo sadaqada allahu akbar nin uganda tagay aya agaranaayo wanagii allah ayan marqaati ka dhiganaa in uu ahaaay muslin mu,min khaalis wax badan ayaan janaso isla tagnay weli waxaa uu dhihi jiray li mithli haadaa fa, aciddu oo hadakii nabi muhumad scw oo ah somali ahan sidan camal isku diyarsha alaha u naxariiso familkisa iyo dhaman muslimiinta mel kasta oo ay joogan samir iyo iiman

  4. inaa lilahi wa inaa ilaahi rajicuuna inalaaha maa akhada walhu maa acdaaa wakulushey in cindahuu bi miqdaar
    runti qof walba wa dhimanaya lkn nabiga nnkh waxa u dhahay xadiis micnihiisu ahaa quraanka kitaabada mala suulin doono lkn waxa uu ku suuli doonaaa dhimshada culumada
    marka maaalinti caalim u dhinto diinta aya wax ka goaayaan
    marka ilaah ha naxariisto anagana gadashiis nama baadiyeeyo
    intuu ka tagayna samir alaha ka siiyo uguna badalo mid ka khayr badan

  5. ILAAH HA UNAXARIISTO SHEEKHANA SAMIR IYO IMAN ALLA HANAGAWADASIIYO ANAGA IYO DHAMAN EHELADA U KA GERIYOODAY WAXAN TACSI TIRAN LEH HALKAN UGA DIRAYA EHELADIISA GAR AHAAN CARUURTISA O KALA AH SHEIKH MOHAMED SHEIKH ABDULWALI SHEIKH ABDULLAHI IYO ABDULAHI SHEIKH ABDULWALI SHEIKH ABDULLAHI OO KU KALA NOOL UGANDA IYO SAUDI ARABIA,WAXANA ILAAH UGA BARYEENA IN U ILAH KA WARABIYO JANADII FARDOWSA WAXANU LEENAHAY AMIN AMIN AMIIIIIN

  6. Inaa Lilahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun. Kulu Nafsin Daa Iqatul Moowt. alaha u naxaristo sheekh Abdiwali samir iyo iimaan Alaha ka siiyo dhaman musliminta mel kasto ay joogaan Khaasatan qoyskiisi.

  7. inaalilaahi waa inaa ilaah raajicuun
    ilaaheey dhameenten sheekha samir hanaga siiyo
    qaasatan ehaladii uu k geeriyooday,sheekh abdiweli
    waxaa uu ahaa sheekh fidinta diinta waqti badan
    usoo huray ilahey janadiisa ha uwaasiciyo.

  8. inaalilaahi wa inaa ilaahi raajicuun
    allaha unaxariisto ehelkisana samir iyo imaan
    allaha kasiiyo iyo dhmaanteenba, waxaa uu ahaa
    runtii sheekh aad ufidiyo diinta islaamka,ilaah ha unaxariisto ammin

  9. inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajucuun,
    waxaan leeyahay ilaahay janadii a waraabiyo
    sheekha

  10. inaa lillaahi wa inaa illahay raajicuun,
    illaahay ha unaxariisto sheikh cabdiwali ad iyo aad ban oganaxay gerida kutimid wana xaq geerida waa sheekheyga. illahayna samir iyo iimaan ha inaga wadasiiyo dhamaan umada somaliyeed gar ahaan eheladisa meel walbo ay kala jogaan.
    illahay janasida ha usahlo aamin yaa allah.

  11. Anaalilaahi wa inaa ilaahay raajucuun waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga tirayaa geeridii ku timi sheekh c/Weli c/laahi in ilaahay jano fordowdsa fadhigiisa ka dhigo. Eheladaa iyo qoyskii uu Ka geeriyooday Samir iyo iimaan ale ka siiyo aamiin ilaahow

  12. inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun walaalayaal aad baan uga naxay sh cabdi wali sh cabdulaahi geerida ku timid waxuu ahaa daaci soomaaliyeed oo aad loo yaqaano alle ha u naxariisto ehelkiisiina samir iyo iimaan alle ha ka siiyo iyo dhamaanteen

  13. Inalilahi waina ilahirajicuun. Ilah ha u naxiirsto sheekh c/wali wuxuu ahaa daaci aad u wanaagsan. Dadka oo dhana aad iyo aad bay jeclaayeen. Ilaahay waxaan sheekha uga baryahaa inuu janatul fardowsa galiyo. Qaraabadana ilaahay samir ha ka siiyo.

  14. inalilahi wa ina ileyhi rajicuun alaha u naxaristo sheikh abdi weli samir iyo iman ha siyo dhaman musliminta mel kaste joga qasatan xasaskisa iyo carurtisa qeyr badan ayuu umada ugu tagay

  15. Inaa llaahi wa inaa ileehi raajicuun, sheikh abdi wali allaaha u naxariisto eheldiisa samir iyo iimaan ka siiyo waxuu ahaa daci aad loo jecelyahay aadna u caawiyey dad badan. Samir iyo imaan allaha ka siiyo xaasaskii iyo dhamaan walaaladiisa aamin.

  16. Asalamu C. w. w
    Innaa Lillahi waa innaa ilayhi raajicuun/// Shiikh Cabdiweli Ilaah hawnaxaristo. Wuxuu ahaa daaci udhexeeya umadda oo dhan oo fidinta dacwada aad uga qayb qaatay.. aad baan ugaranayaa naxariistii allah haka waraabiyo hana u dambi dhaafo Shiikha. Dulqaad dheeraada ayuu ulahaa cidkasta oo dacwada suuban fidinaysa.

    Masjidka Tawxiid wuxuu kusoo dhoweeyey culimo badan oo ducaad caana ah, runtii tiir latebi doono ayuu ahaa shikh Cabdiweli.

    Ilaahay haw dambi dhaafo, hana u naxariisto, samir iyi iimaanna hakasiiyo ehelkiisii iyo qaraabadii iyo ummadda soomaliyeedba gaar ahaan inta waxtarkiisa taqaanay.

  17. Acww

    Waxa aan halkaan tacsi uga dirayaa dhammaan eheladii , qaraabadii iyo dadka muslimiinta ah meelkastoo ay joogaan geeridii ku timid sh. Cabduwali. Ilaahay ha ka dhigo min ahlil Firdoosa.

  18. إنا لله وإنا إليه راجعون
    illaah ha u naxariisto jinadii firdos ne illaah haka waraabiyo qoyskii iyo eheladii uu ka tegay ne samir iyo imaan illaah haka siiyo aameeen

  19. Inaali Laah wa Inaa Ilehi Raaicuun
    Awaln Waxaan Sheekh uga baryin in uu Alaah ka mid dhigo kuwa Ale agtiis ku leh martiqaadka,Allaah waxaan uga baryin in uusan gadaashiis fidneyn cidii uu masuulka ka ahaa, waxaan u tacsiyeey dhamaan xaasaskii iyo carurtii uu ka tegay, qaraabadii, dhamaan ardaydii wax ka bartay Sheekha iyo umada Somaaliyeed.

  20. ascww,inaa lilaahi waa inaa ileyhi raajicuun,sheekh a/weli c/lahi aamin allaha u naxariisto samir & iimana alaha ka siiyo eheladii uu ka geeriyoodey & dhamana umada islaamka uu u ahaa daci masjid al towxid oo uuna iimana masjidka ka ahaa kampala,uganda ilaah waxan uga baryeynaa in janadii fardowsa ka waraabiyo qabrigana ilaah u wasasiciyo amiin amin amin….

  21. ascwr, inaa ilillaahi wa,innaa ileyhi raajicuuna samir iyo iimaan allaah ha kasiiyo eheladiisii, labadiisa xaas iyo caruurtiisa iyo dhamaan qarabadiisa iyo saaxiibadiis, sheikh abdiweli abdullahi amiin, allaah janadii fardowsa ha geeyo, camalkiisii fiicnaa ee uu samayn jireeyna allaah ha ka aqbalo, waxuu ahaa macalin,bulshaawi, dadka dhalinyaro iyo wayeelba isku si uqaabila masaajidka iyo wadadaba,anigu aad ayaan u aqaaney, aasaaskii tawxid center wuxuu ka ahaa hormuud ka ugu weeyn, madarasada, schoolka tawxiid, iyo camaliyaadka ka kale ee uu ka hayeyey wadankaasi.

  22. Inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun Sheikh Abdiwali abdullahi
    wuxuu ahaa nin daaci ah Allaha u naxariisto anagana allaah nooga dabanaxariisto geeridu waa xaq waxaan ka danbaynaynaa saacado ama maalmo inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicun

  23. inaa li laahi wa inaa ileehi raajicuuun
    ilaahow u naxariiiso bi idnika wuxuu ahaa
    sheekheeygii wax aan kheer ahaay kuma ogi
    waxaan u tacsi yadeeynaa eladiisa khaasatan
    xaasaska sheeqa

  24. alow unaxariiso

    • إنا لله وإنا إليه راجعون

      qofk waliba wuxuu gaystuu leeyahay. sheikh A.wali wuxuu ahaa udub ama tiir ay ku taagnayd bulshada islamka ee reer Uganda. waa dadkii dhisay masjid iyo jimciyadda towhid oo mashaaric badan oo kheyri ah ka fuliyey Uganda. we are all grieving extremely because of his lose. si fiican baan ugaranay Masjid Towhiid oo qabyo ah in early 1990s. O Allah grant him for Janna.I bear witness that he was a true muslim.

  25. نسئل الله نعالى بأسمائه الحسنى وصفاته العليا أن يغفر له ويرحمه إنا لله وإنا إليه راجعون إن الله لا يقبض العلم انتزاعا ينتزعه وإنما يقبض بقبض العلماء

  26. Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuuuuuuuuuuuuuuuuuuun Ilaahay ha u naxariisto sheekh Cabdi Weli, jannatul firdawsana Allaah ha ka waraabiyo allaahumma aamiin, intaas ka dib waxaan halkan tacsi uga dirayaa xaasaskii iyo ubadkii uu sheekhu ka geeriyooday iyo dhammaan qaraabadii gaar ahaan reer Cabdullaahi Aamin. wsc wrwb

  27. ASC Inaa lillaali wa’inaa ileyhi raajicuun allaha u naxariisto Marxuumka Sheekh Cabdiweli waxaan bartey 1992 waxaan ku bartey masjidka ku yaala Kampala xaafada Kasinyo qaasatan soonaha Jeelakabaaka daaci buu haa aad u firfircoon illaah swt haku daro kuwa hurumarey janadiina haka waraabiyo Aaaaaaaamin.

  28. inaalilaahi wainaa ilayhi raajicuun ilaahay sheekha janatulfardawsa hageeyo umada islaam kana samir iyo iimaan haka siiyo gar ahaan umada somaliyee siiba ehelkiisii aamiin aamiin aamiin

  29. inaa ilillaahi wa,innaa ileyhi raajicuun,illaahey ha,u naxriisto imaamkeenii daacigeenii reer kampala sheekh abdiweli,waxaan halkaan ugu tacsiyeynayaa dhamaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey,gaar ahaan zahra mohamed ali iyo caruurteeda.

  30. Inaa Lilaahi wa inaa ileyhi Raajucuun,sheekhu wuxuu ahaa daaci kamid ah ducaada muslimiinta,waan ka murugoonay lakiin geeridu waa xaq,isagana Ilaah ha u naxariisto,eheladiisii iyo dhamaanteenba ilaah ha naga siiyo sabir iyo Imaan.
    Amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

  31. inaalilaahi wa inaa lilaahi raajicuun waxa uu ahaa caalim Soomali iyo Muslimka oo dhan kaalin weyn ugu jiray.

  32. Asalaamu calaykum,
    waxaan tacsi u dirayaa dhamaan reer Abdalla Amiin oo ay ugu horeeyaan labada xaas iyo caruurta uu ka geeriyooday Sh. Abdiweli Abdalla Amiin. waxaan tacsi u dirayaa dhamaan maamulka Jamciyada Tawhid Islamic Center. waxaan Ilaahay uga Baryayaa inuu Sheekha dembigiisa dhaafo, qabriga u waasiciyo, camalkiisii suubanaana uusan ka khasaarayn. Sh. Abdiweli wuxuu ahaa Sheekhayga, macalinkayga, saaxiibkay aan ka bartay camal aan maalinkasta ku xasuusto.
    illaahay janadiisa firdowsa daaqad ha uga furo.
    aamiin

  33. inaa lilaahi wa inaa ilehi raajucuun,,
    sheekh c/wali c/laahi waxaan marqaatu uga ahay inuu alle sheekh weyn oo daaci ah, cashiro badan ayaa ka raday allow janatul fadowso ugu bishaaree, aamin aamin, waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenayaa labadiisa xaas iyo dhamaan caruurtiisa iyo waliba ehelkiisa, garaa ahaan sahro c/laahi, waxaan leyahay samir iyo imaan alle ha idinka siiyo dhamaantiin,, marxuunkana kitaabkiisa midigta alle ha ka siiyo,, inaa lilaahi wa inaa ilehi raajucuun,,,,,

    • INNAA LILLAAHI WA INNAA ILLAYHI RAAJICUUN

      Waxaan halkaan Tacsi uga dirayaa Geeridii naxdinta Lahayd ee ku timid Walaalkayo Marxuum Sh.Abdiwali Abdullahi dhammaan eheladiisa meelkasta oo ay joogaanba waxaan leeyahay samir iyo Iimaan Allaha idinka siiyo. Waxaan leeyahay Walaalkayoow qalbigayagu kuma iloobi doono, Illahay Qabriga ha kuu waasiciyo, Fardowsana hoygaaga ha ka dhigo. Aamiin—Aamiin

Leave a comment

*